Lääkärin sosiaalinen vastuu ry

Adeegyada daryeelka bulshada iyo caafimaadka ee dadka sharci la’aanta ah ee Helsinki iyo nawaaxigeeda ku nool

Hagahaan waxaa lagu soo ururiyey adeegyo loogu talagalay dadka aan sharci ku laheyn wadanka, taas oo ah dadka aan lahayn xuquuq buuxda oo ay ku helaan adeegyada bulshada iyo caafimaadka. Waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan tusaale ahaan caafimaadka, shaqada bulshada, xarumaha maalinlaha ee dadka lagu caawiyo, iyo talo-bixinta sharciyeed.

Daryeelka caafimaadka ee Finland wuxuu ku saleysan yahay adeegyada shaacsan. Waxaad naga soo dalban kartaa anaga wax kasta oo goobta caafimaadka ah ama xarunta badqabka ee dhexe isla degmada, aad deggan tahay. Daryeelka caafimaadka ee aasaasiga ah waxaa lagu daryeelayaa dhibaatooyinka caafimaadka ee guud ahaaneed iyo daryeelka khaaska ah ee caafimaadka culuunta caafimaadka takhasuskooda jirooyinka ama dhaawacyadooda.

Waxaad mar walba xaq u leedahay daryeel degdeg ah. Daryeelka degdegga ah waxaa ka mid ah tusaale ahaan gargaarka degdegga ah (ensihoito), adeegyada degdegga (päivystys) iyo daryeelka xaaladaha daran (tehohoito). Xaalado badan waxaad sidoo kale xaq u leedahay daryeel caafimaad oo lagama maarmaan ah. Dadka sharciga heysta oo si sharci ah dalka u jooga waxay ka helaan dhammaan Finland adeegyada lagama maarmaanka ah. Dadka aan sharciyeysnayn ee aan haysan oggolaansho sharci ah oo ay dalka ku joogaan waxay helaan adeegyada lagama maarmaanka ah ee xaaladaha gaar ah. Sidoo kale waxaad heli kartaa adeegyada daryeelka bulshada marka aad u baahato: waxyaabaha nolol-maalmeedka ee lagama maarmaanka ah waa loo dammaanad qaaday qof walba oo waayey sharciga wadanka Finland.

Xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka ayaa qiimeeya baahida daryeelka lagama maarmaanka ah iyo suurtogalnimada in la bixiyo. Waa muhiim inaad waqtigeeda u tagto daryeel adigoon loo eegin xaaladdaada joogitaan (status-kaaga sharci ee dalka). Daryeelka lagama maarmaanka ah waxaa ugu yaraan ka mid ah:

  • dabagalka iyo daaweynta cudurrada daba-dheeraada
  • cusboonaysiinta qaar ka mid ah daawooyinka joogtada ah
  • tallaallada
  • qaar ka mid ah baaritaannada shaybaarka
  • iyo booqashooyinka kormeerka ka dib daryeelka degdegga ah

Intaa waxaa dheer, haweenka uurka leh waxay xaq u leeyihiin la socodka uurka ee rugta hooyada iyo dhallaanka (äitiysneuvola) iyo adeegyada dhalmada. Carruurtu waxay xaq u leeyihiin dhammaan adeegyada caafimaad ee la midka ah kuwa ay helaan dadka deggan gobollada daryeelka. Dadka naafada ah waxay helaan daryeel aan degdeg ahayn oo la xiriira naafonimadooda.

Xirfadlayaasha daryeelka caafimaadku waxay ku qasban yihiin inay sirtaada xafidaan. Dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha caafimaadka, iyo xirfadlayaasha kale kuma soo sheegi karaan mas’uuliyiinta xaaladdaada ogolaanshaha degenaanshaha awgeed.

U sheeg xirfadlaha daryeelka bulshada ama caafimaadka haddii aadan haysan dhaqaale. Xaaladdaas waxaad heli doontaa biil kaliya oo ah khidmadda macaamilka (asiakasmaksu).

Uma baahnid kaadhka-Kelada. Haddii aanad lahayn lambarada aqoonsiga, xusuuso inaad shaqaalaha xirfada leh weydiisatid inay kuu sameeyaan aqoonsi ku meel gaadh ah adiguna qoro kaas sababtoo ah waxaad u baahan doontaa hadhow adeegyada caafimaadka. Adigu waxaad yeelan kartaa lambaro aqoonsi ah oo ku meel gaadh ah, sababtoo ah nidaamka warbixinaha bukaanka oo kasta waxay noqoneysaa in mid gooni ah laguu sameeyo. Ka codsi sidoo kale risiidka iyo tilmaamaha bukaankaba. Warqad ahaan u soo daabaco.

Raadso daryeel caafimaad xilli hore — waa mid aad xaq u leedahay!

Caafimaadka- iyo adeegyada arrimaha bulshada

Lambarka gargaarka degdega ah

Xaaladda gargaarka degdega ah wac 112. Wicintaankooduna waa lacag
la’aan. Lambarka waxaa lagaaga jawaabayaa xilli walba sanadka oo dhan.

Haddii aad wacdo lambarka gurmadka degdegga ah, samee waxyaabaha soo socda:

  • U sheeg waxa dhacay iyo xagga ay wax ka dhaceen.
  • Ka jawaab su’aalaha lagu weydiiyo kuna dhaqan tilmaamaha lagu siinayo.
  • Sug ilaa iyo inta aad caawimaadda heleysid.
  • Telefoonka waxaad dhigi kartaa marka fasax uun laguu siiyo.
Heeganka

Maalmaha shaqada saacadaha 8:00-16:00 waxaad tagi kartaa goob kasta oo heeganka caafimaadka ahadigoonan ballan qabsanin. Haddii aad jiratid si degdeg ah galbihii, habeenkii, maalmaha ciidaha ama dhamaadka wiiga, raadso cisbitaalka heeganka. Xaaladaha degdega ah waxaad caawimaad ka heleysaa deegaankaaga- ama goobta aad joogtid iyadoonay ku xidhneyn wax shuruud ah. Uma baahnid ballan inaad qabsatid. Wac marka hore caawimaada heegankalambarkooda 116117 (adeegu waa bilaash).

Goobaha heeganka ee cisbitaalada ee aad la xariiri karto kuna yaal caasimadda iyo nawaaxigeeda

Helsinki
  • Heeganka wadar ahaaneed ee Meilahti (jirooyinka degdega ah ee dadka waaweyn, dhaawaca iyo caafimaadka maskaxda dhibaatooyinka la xidhiidha): Paciuksenkatu 3, Helsinki
  • Heeganka wadar ahaaneed ee Malmi (jirooyinka degdega ah ee dadka waaweyn, dhaawaca): Talvelantie 6, Helsinki
  • Heeganka carruurta: Cisbitaalka cusub ee carruurta, Stenbäckinkatu 9, Helsinki
  • Haweenka uurka leh iyo dhalmada heegankooda: Naistenklinikka, Haartmaninkatu 2, Helsinki
  • Xarunta taageerada ee dhibbanayaasha waxyeelada jinsiga ah loo geysto (da’aha 16-jirka ka weyn): Haartmaninkatu 2 (dabaqa 6. aad), Helsinki. Wac marka ugu horeysa lambarkan 040 701 8446. Waan ka jawaabaynaa xilli kastaba.
  • Heeganka jirooyinka afka:
    • Galbihii iyo dhamaadka wiiga: Puistosairaala, Stenbäckinkatu 11 C (dabaqa 1. aad), Helsinki. Wac marka hore lambarkan 09 471 71110.
    • Habeenkii: Heeganka wadar ahaaneed ee, Paciuksenkatu 3, Helsinki. Wac marka hore lambarkan 116117.
Espoo
  • Heeganka Jorvi (dadka waaweyn iyo carruurta): Turuntie 150, jaranjarta- A (dhismahaa heeganka), Espoo
Vantaa
  • Heeganka wadar ahaaneed Peijas (dadka waaweyn): Sairaalakatu 1, Vantaa

Xarumaha caafimaadka

Helsinki
  • Xarunta badqabka- iyo caafimaadka ee Kalasatama Cinwaanka: Työpajankatu 14 A, dabaqa 1. aad, qolka 1016. Qaabilaada- Walk-in bilaa ballan isniin ilaa jimce saacadaha 8:30-11:00 (kalkaalisada caafimaadka, haddii loo baahdo dhakhtar). Telefoonka talo bixinta (maalmaha shaqada saacadaha 12:30–13:30): 09 310 53914
  • Goobaha kale ee caafimaadka ee Helsinki
  • Xanaanada Ruoholahti (haweebka uurka leh iyo dhallaanka 7-sano ka yar): Cinwaanka: Itämerenkatu 5 A. Soo wac ballana ka qabso: 09 310 55530
  • Xanaanooyinka kale ee Helsinki
Espoo
  • Ballan ka qabsashada goobaha caafimaadka ee Espoo: Soo wac isniinta ilaa jimcaha saacadaha 8:00-15:30. U dhaaf codsi wicitaan si wicitaanka laguugu soo celiyo. 09 47636 400
Vantaa
Global Clinic

Global Clinic wuxuu u fidinayaa dadka bilaa sharciga ah kaalmooyinka shaqaalaha xirfadaha kala duduwan leh iyo la talimaha caafimaadka iyo sidoo kale waxay kaa caawinayaan inaad daryeel hesho. Global Clinic waxaa ka shaqeeya shaqaale iskaa wax u qabso ku shaqeeya oo ah shaqaalaha xirfadda leh ee daryeelka caafimaadka. Caawimaada waxaad ku heleysaa si aaminaad leh oo lacag la’aan ah, haddii aad dooneysidna waad wici karta adigoo aadan shegin magacaaga. La soo xidhiidh: 044 977 4547, globalclinic.finland@gmail.com, www.globalclinic.fi

Shaqada arrimaha bulshada

Xarunta badqabka- iyo caafimaadka ee Kalasatama, cinwaanka: Työpajankatu 14 A
Dadka dalka u soo guuray barta lagu qaabilo ee adeegyadooda khaaska ah (dabaqa1.aad, qolka 1001 iyo 1002), waxayna furan yihiin maalmaha shaqada saacadaha 8:15-16:00. Qaada lambarka toogadaada. Kooxaha warqado la’aanta ah la talinta talefoonka (maalmaha shaqada saacadaha 9:00-16:00): 09 310 23747
galab kasta, habeenkii, sabtida iyo axada iyo maalmaha ciidaha u adeegga:

  • Heeganka xaaladaha dhibaatada:
    09 3104 4222 (xaaladaha
    dhibaatada ee degdegga ah)
  • Heeganka arrimaha bulshada:
    0206 96006
    (masuulka shaqaalaha arrimaha
    bulshada ee heeganka)
Kuwa sharci la’aanta ah iyo kuwa socotada ah ee Yurub bulshadeeda dhex wareegaya meel seexadkooda (hooygooda) degdegga ah

Meel seexadka degdega ah ee dadka aan wax waraaqaha lahayn waxay u raadsanayaa hooy  ayagoo la macaamila maalmaha shaqada saacadaha 9-16 adeegyada khaaska ah ee dadka dalka u soo guuray xarunta badqabka- iyo caafimaadka (Työpajankatu 14 A, soo wargelinta dabaqa 1.aad barta qaabilaada). Xaaladaha dhibaatooyinka galab kasta ama sabtida iyo axada goobaha banaan ee meel seexadka waxaa sidoo kale si toos ah loo warsan karaa goobta meel seexadka ee Kornetintieltä. Meel seexadku waa saacadaha u dhexeeya 17-9. Maalintiina meesha waa in laga baxo halkaasna lagagama tagi karo alaabtaada. Cinwaanka: Kornetintie 10. Telefoon lambarka (saacadda16-9): 044 724 1458

Xarumaha maalintii

Xarun-maalmeedka Al-Amal ee loogu talaggalay dadka aan dukumintiyada haysan

Xarun-maalinlaha ah Al-Amal ee loogu talaggalay dadka aan dukumintiyada haysan. Xaruntaasi waxaad ka heleysaa nolol-maalmeed sida, taageero, talosiin iyo bulsho ammaan ah. Waad ku qubaysan kartaa, cuntada ayaad ku karsan kartaa, islamarkaana dharka ayaad ku dhaqan kartaa, waadna ku nasan kartaa. Waxaa sidoo kale dadka la siiyaa kafee iyo shaah, iyo cuntooyinka deeqo ah oo la qeybinaayo galab walba oo talaada ah.

Cinwaanka: Toivon talo, Sahaajankatu 49. Waxaad wici kartaa telefoonkan: 050 327 4519. Saacadaha furitaanka guriga sannadka 2026 waa sidan: Isniin–Khamiis saacadda 10.00–16.00 iyo Jimce 10.00–15.00. Toivon talo waa xiran yahay guga 2026 maalmahan soo socda:

  • Isniin 13.4.
  • Isniin 11.5.

Waxaa aad shaqaalaha kala xiriiri kartaa lambarada hoos ku qoran:

  • 050 430 4780 (af-finish, af-carabi, af-faransiis, af-ingiriis) ama
  • 050 329 0660 (af-finish, af-carabi, af-ingiriis)
Xarunta Maal Meedka Hirundo ee loogu talagalay dadka Soctada ah ama u guur guura waddamada kale ee  Yurub

Xarun maalmeedka waxaad ka heli kartaa taageero ku saabsan dano dhammaysiga ama wax ka qabashada arrimahaaga maalinlaha ah iyo talosiin. Waxaad heli kartaa kafee, waad ku qubaysan kartaa, dharka ayaad ku dhaqan kartaa, sidoo kale waxaad ka heleysaa isticmaalka internetka. Waxaa lagugu caawin karaa luqadaha af-bulgaariga iyo af-roomanka. Cinwaanka: Toivon talo, Sahaajankatu 49.

Saacadaha furitaanka guriga sannadka 2026 waa sidan: Isniin–Khamiis saacadda 10.00–16.00 iyo Jimce 10.00–15.00. Toivon talo waa xiran yahay guga 2026 maalmahan soo socda:

  • Isniin 13.4.
  • Isniin 11.5.

Waxaa aad shaqaalaha kala xiriiri kartaa lambarrada hoos ku qoran:
• 050 478 0092 / 050 441 9426 (af- roomaaniya, af-ingiriis, af-finish)

Ururka Kide waxqabadyada- Rajaynta mustaqbalka (Toivoa tulevaisuuteen -toiminta)

La talinta, hagitaanka iyo kaalmeynta xaaladaha nolosha ee adag kuwa ku jira 18–29-jirada. Arbaca kasta albaabadu u furan yihiin saacadaha 9-15. Cinwaanka: Kontulankaari 24

Wael: 050 575 3152 (finnish, carabia, ingiriisi)
Gabriela: 050 551 2210 (finnish, ingiriisi)
Eeli: 050 368 0349 (finnish, ingiriisi)

Barta taageerada ee Mosaiikki

Barta taageerada ee Mosaiikki waxay fidisaa la talin, adeeg ku hagis iyo kaalmeynta kuwo warqad la’aanta ah iyo kuwo warqad la’aanta halista ugu jira. Waxaan ku hagnaa dhinaca sharciga, shaqo raadinta iyo sidoo kale xuquuqdaada su’aalaha la xidhiidha.
Waxaan ku hagnaa macaamiisha daryeelka caafimaadka iyo- arrimaha bulshada, la talinta sharciyeyesan iyo sidoo kale adeegyada kale. Waxaan u fidinaa kaalmooyinka
caafimaadka maskaxda bulshada dhex galka iyo caawimaada kala sheekeysiga awoodda waxqabadka kor u qaadidooda. Intaa waxaa dheer oo si gaaban in loo helo loogu qorsheynayaa kooxaha barashada luqada finnishka, waxqabadyada baraha caafimaadka
iyo naadiyo cunto karin ah.

Drop-In iyo naadiga karinta ee bil kasta la qabto waxay sii wadi doonaan hawlahooda xarunta Varustamo ee Paavalinkirkko. Cinwaanka: Sammatintie 5 (gelitaanka Varustamo dhinaca Kuusamonkatu). Drop-In waxaa la qabtaa Isniin kasta saacadda 12:00–16:00. Marka laga reebo la kulanka shaqaalaha, waxaa sidoo kale la heli karaa qubays iyo adeeg dhar-dhaqid, iyo marin loo helo meel diirran oo lagu nasto oo leh jikad yar. Naadiga karinta waxaa la qaban doonaa laga bilaabo Janaayo, Isniinta ugu dambeysa ee bil kasta saacadda 17:00.

Kooxda barashada afka Finnishka ee ka shaqayn jirtay Hermanni waxay sii wadi doontaa hawlaheeda xarunta Laanqayrta Cas ee Finland (Suomen Punainen Risti) qaybteeda Kallio-Käpylä. Cinwaanka: Hämeentie 85. Kooxdu waxay kulantaa Isniin kasta saacadda 15:00–16:30, Khamiis kasta saacadda 16:00–17:30, iyo Jimce kasta saacadda 15:00–16:30.

Waxaad wici kartaa ama fariin WhatsApp ah u diri kartaa lambarka adeegga: 040 511 8488.

Tutu Turvapaikahakijouden tuki ry, “Xarunta taageerada dadka codsada magangalyo”

Arrimaha sharciyada iyo magangelyo doonka la xidhiidha la talinta dadka dalka u soo guuray: neuvonta@turvapaikanhakijoidentuki.fi La talinta waa mid furan galab kasto oo talaado ah saacadda 15-18 (marka laga reebo talaadada ugu horreysa ee bisha), ciwaanka xarunta waa Rahakamarintori, dabaqa 2.aad (albaabka xagiisa sare waxaa ku qoran RKL).

Kuwo aan haysanin guryaha ry (Vailla vakinaista asuntoa ry), la talinta iyo taageerida kuwa luqadaha ajaniga ku hadla

La talinta waxaa loogu talogalay kuwo guryo la’aanta ah ee jinsiyadaha ajnabiga ah haysta, marka aynan cadeyn xaq u lahaanshaha adeegyada iyo kaalmooyinka bulshada ee finnishku ama ay u baahan yihiin diiwaabgelinta joogitaanka ama arrimaha- sharciga.
Khuburada ayaa kaa caawineysa ogaanshaha xaaladda kuguna hagaya adeegyada kugu haboon.
Heini Puurunen: 044 260 3818, heini.puurunen@vvary.fi (finnish, ingiriisi, bulgariya)
La taliyaha waxaa ka heli kartaa marka aad kala soo heshiisid isniin ilaa jimcaha goobaha Vepa saacadaha 9-16.
Cinwaanka: Ratamestarinkatu 6, Itä-Pasila

Xarunta Vepa
Xarunta kuwa dhigooda ah ah- iyo waxqabadyada iskaa wax u qabsada ee Vepa.
Vepa waa goob u furan kuwa dareemaya guryo la’aanta. Vepa dhinaceeda waxaad ka qabsan kartaa ballan la talinta kuwa luqadaha ajnabiga khuburadooda waxaadna ka heli kartaa ku hagitaanka adeegyada iyo kaalmooyinka. Goobtaas waxaa lagaaga fidinayaa maalintii hal mar cunto diiran oo lacag la’aan ah. Vepada waxaad sidoo kale ka heli kartaa dhar deeq ah iyo qalabka nadaafada. waxaad ka isticmaali kartaa kombiyuutar iyo telefoon.

Vepa waxay furan tahay Isniinta, Talaadada, Arbacada iyo Jimcaha saacadaha 9:00–19:00, iyo Khamiista saacadaha 9:00–14:00 iyo 17:00–19:00.
Cinwaanka: Ratamestarinkatu 6, barigga Pasila (Itä-Pasila).
La xiriir: 050 443 1065 ama 044 704 4310
vepa@vvary.fi

La talimaha kale iyo kaalmooyinka

Xarunta UNIT

La talimaha kale iyo kaalmooyinka Diakonissalaitoksen UNIT-adeegga Diakonissalaitoksen UNIT-adeegeeda waxeey  kaalmeysaa shaqsiyaadka taariikhaha fal dambiyeedka leh, kuwa aanan jinsiyadoodu ahayn Finnish. Waxaanu u fidinaa la shaqeyn khaas ah macaamiisha iyo talo siin kooxda ay beegsanayaan kuwa la shaqeynayaa. Waxaanu sidoo kale ka caawinaa arrimaha la xidhiidha dardar gelinta xukunada, shaqaaleysiinta- iyo- la sahaminta fursadaha iskuuladda, sidoo kale arrimaha ajnabiga iyo waxaan u fidineynaa caawimaad la sheekeysi.

unit@hdl.fi
Shaqada macmiilka:
050 590 9308
La talinta: 050 475 8963

Gaariga socda ee Hirundo (Mobiili-auto)

Gaariga socda ee Hirundo waxaa uu bixiyaa talooyin, cunto iyo cabitaan diirran Gaariga waxaa uu joogaa barxadda Kamppi laga bilaabo isniinta illaa jimcaha, maalin walba oo
arbaco ahna waxaa uu taagan yahay baarkinka Puhos: Itäkeskus
Waxaa aad shaqaalaha kala xiriiri kartaa lambarrada hoos ku qoran:

  • 050 366 5158 (af-finish, af-bulgaariya, af-roomaaniya, af-ingiriis, af-talyaani)
  • 050 305 1623 (af-finish, af-ingiriis, af-carabi)
Lääkärin sosiaalinen vastuu ry – PapeTe, talo adeeg

La-talintu waxaa loogu talagalay dadka aan sharciyeysnayn iyo dadka la shaqeeya ama la kulma iyaga. La-talintaan waxaad ka heli kartaa taageero iyo tilmaamo ku saabsan sida loo raadsado adeegyada daryeelka caafimaadka iyo meelaha daryeelka laga helo. Wac ama fariin noo soo dir (SMS ama WhatsApp, sidoo kale fariin cod ah) Isniin ilaa Khamiis saacadda 9–15 lambarkan: 044 744 9932. Waxaad sidoo kale email noogu soo diri kartaa: health.advice@lsv.fi

Ku xirnaaw oo la soco boggayaga la-talinta ee Facebook (Health Advice for Undocumented Migrants)! Halkaas waxaan ku daabacnaa macluumaad cusub oo ku saabsan daryeelka caafimaadka ee dadka aan sharciga helin iyo adeegyada ururrada bulshada. Waxaad sidoo kale fariin noogu soo diri kartaa Messenger. Waxaan fariimaha uga jawaabnaa sida ugu dhakhsaha badan.

Pakolaisneuvonta (La talinta qaxootiga), talo sharci

La talinta xuquuqda ee telefoonka (isniin kasta saacadaha (14-16): 045 237 7104
Waxaad ku soo diri kartaa su’aalaha sidoo kale emayl ahaan: paperittomat@pakolaisneuvonta.fi

Dhaqdhaqaaq xor ah (Vapaa liikkuvuus -verkosto)

La-talin bilaash ah oo ku saabsan ogolaanshaha degenaanshaha (tusaale ahaan magangalyo, iyo ogolaanshaha shaqada, qoyska iyo waxbarashada) iyo hagitaan adeegyo kale haddii loo baahdo: vapaaliikkuvuus@gmail.com
Makhaayadda iyo La-talinta Qaxwada aan Xuduudda lahayn ee bilaashka ah Arbacada laga bilaabo 5 galabnimo ilaa 8 galabnimo (Pengerkatu 6, Helsinki).

Caawimaadda cuntada (Ruoka-apu)

Ruoka-apu (liiska goobaha raashinka bixiya)