U bood waxa ku jira

Adeegyada daryeelka caafimaadka iyo bulshada ee loogu talaggalay dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka ee ku nool Helsinki iyo nawaaxigeeda

Sivulle on koottu palveluita, jotka on tarkoitettu paperittomille eli ihmisille, joilla ei ole täyttä oikeutta sosiaali- ja terveyspalveluihin. Löydät tietoa esimerkiksi terveydestä, sosiaalityöstä, päiväkeskuksista ja oikeudellisesta neuvonnasta.

Hagahaan waxaa lagu soo uruuriyey adeegyada loogu talaggalay dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalkan Finland, kuwaasoo aan lahayn xuquuq buuxda oo ay ku helaan adeegyada caafimaadka iyo bulshada. Waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan tusaale ahaan caafimaadka, shaqada arrimaha bulshada, xarumaha maalinlaha ah ee dadka lagu caawiyo,iyo talosiinta ku saabsan arrimaha sharciyada.

Daryeelka caafimaadka ee Finland wuxuu inta badan ku salaysan yahay adeegyada caafimaadka ee ay bixiso dowladda (adeegyada guud ee dadweynaha). Waxaad tagi kartaa xarun kasta oo caafimaad (terveysasema) ama xarun kasta oo daryeelka caafimaadka iyo bulshada ee ka tirsan xarunta nololwanaagga (hyvinvointikeskus) ee degmada aad joogto. Daryeelka caafimaadka aasaasiga ah waxaa lagu daweeyaa dhibaatooyinka caafimaadka ee guud ahaaneed. Waxaa lagu daweeyaa cudurrada ama dhaawacyada u baahan dhakhaatiir ku takhasustay qayb gaar ah oo caafimaadka ah.

Waxaad mar walba xaq u leedahay daryeel caafimaad oo degdeg ah. Daryeelka caafimaadka ee degdegga ah waxaa ka mid ah tusaale ahaan, gargaarka degdegga ah (ensihoito), heeganka (päivystys) iyo daryeelka xooggan ama daryeelka xaaladaha aadka u daran (tehohoito). Xaalado badan waxaad sidoo kale xaq u leedahay daryeelka  caafimaad ee lagammamaarmaanka ah. Dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka (paperittomat), laakiin si sharci ah dalka u jooga waxaa ay xaq u leeyihiin in ay adeegyada lagammamaarmaanka ah ka helaan meel kasta oo dalkaan Fijnland ka mid ah. Dadka aan lahayn sharciga degganaanshaha dalka ee aan haysan oggolaansho sharci ah oo ay dalka ku joogaan, waxaa ay xaalado gaar ah helayaan adeegyada lagammamaarmaanka ah. Sidoo kale waxaad heli kartaa adeegyada daryeelka bulshada marka aad u baahato: qof kasta waxaa loo dammaanad qaaday in uu helo dhaqaalaha nololmaalmeedka (toimeentulo) ee lagammamaarmaanka ah ee uu u baahan yahay.

Xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka ayaa qiimaynaaya baahida daryeel ee lagammamaarmaanka ah iyo suurtaggalnimada ah in baahidaas la bixiyo. Waa muhiim in aad daryeel caafimaad raadasataa wakhtiga ku habboon, iyadoo aan loo eegeynin nooca ama xaaladdaada sharci ee joogitaankaaga Finland. Daryeelka lagammamaarmaanka ah waxaa ugu yaraan ka mid ah:

  • la socodka iyo daaweynta cudurrada muddada dheer jira
  • cusboonaysiinta qaar ka mid ah daawooyinka joogtada ah
  • tallaallada
  • qaar ka mid ah baaritaannada shaybaarka iyo
  • booqashooyinka la socodka xaaladda ee la sameeyo marka qofku helo daryeel caafimaad oo degdeg ah.

Intaas waxaa dheer, haweenka uurka leh waxay xaq u leeyihiin in uurkooda lagala socdo rugta daryeelka caafimaadka hooyada uurka leh (äitiysneuvola), iyo in ay helaan adeegyada dhalmada. Carruurtu waxay xaq u leeyihiin dhammaan adeegyada caafimaadka ee ay helaan dadka deggan degaanka ama gobollada nololwanaagga (hyvinvointialue) ee ay ku nool yihiin. Dadka naafada ah waxay xaq u leeyihiin in ay helaan daryeel caafimaad oo aan degdeg ahayn oo la xiriira naafannimadooda.

Shaqaalaha caafimaadka waxaa saaran waajibka sir ilaalinta (vaitiolovelvollisuus). Taas macnaheedu waa in dhakhtarka, kalkaaliyaha caafimaadka ama qof kale oo xirfadle caafimaad ah, uusan u sheegi karin ama u gudbin karin macluumaadkaaga hay’adaha dowladda, sababo la xiriira xaaladdaada degganaanshaha ama joogitaankaaga dalka awgood.

Haddii aadan haysan dhaqaale kugu filan, u sheeg shaqaalaha daryeelka caafimaadka ama kuwa adeegga arrimaha bulshada (sooshalka). Xaaladdaas, waxaa lagaa qaadi doonaa kharashka macmiilka (asiakasmaksu) oo keliya.

Uma baahnid in aad haysato kaarka Kela-da (Kelakortti) si aad u hesho adeegyadaan. Haddii aadan lahayn taariikhda dhalashada iyo lambarka diiwaanka (henkilötunnus), xusuusnoow in aad xirfadlaha caafimaadka ka codsato lambarka diiwaanka ee kummeelgaarka ah. Marka lagu siiyo lambarkaas diiwaanka ama aqoonsiga meel ku qoro, sababtoo ah waxaad mar dambe ugu baahan doontaa adeegyada caafimaadka. Waxaa dhici karta in lagu siiyo in ka badan hal lambar aqoonsi oo kummeelgaar ah, maadaama nidaam kasta oo xogta bukaanka lagu kaydiyo uu kuu sameyn karo lambar u gaar ah. Sidoo kale ka codso in waraaqaha daawada (resepti) iyo kuwa tilmaanbixinta ama hagista bukaanka lagugu siiyo waraaq ahaan, oo laguu soo daabaco.

Raadso daryeelka caafimaadka sida ugu dhakhsaha badan marka aad u baahato, oo ha sugin illaa xanuunku ka sii daro – waa xuquuq aad leedahay!

Adeegyada caafimaadka iyo arrimaha bulshada

Qaybaha gargaarka degdegga ah ee isbitaallada

Xarumaha caafimaadka

Global Clinic

Global Clinic waxaa ay siisaa dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka taageero dhinacyo kala duwan leh iyo talosiin dhanka caafimaadka ah. Sidoo kale  waxaa ay kaa caawinayaan sidii lagu heli lahaa daryeel caafimaad oo kugu habboon. Global Clinic waxaa ka shaqeeya xirfadlayaal caafimaad oo si ikhtiyaari ama mutadawacnimo ah u shaqeeya. Waxaad halkaas ka heli kartaa caawimaad sir ah (aan cid kale arrimahaaga loo sheegeyn) oo lacag la’aan ah, khasabna kuguma aha in aad sheegto aqoonsigaaga iyo qofka aad tahay. Haddii aad rabto in aad la soo xiriirto Global Clinic, wac lambarkaan 044 977 4547 ama u dir iimayl cinwaanka hoos ku qoran: globalclinic.finland@gmail.com, www.globalclinic.fi (Booqo websaydka dibadda. Xiriirku wuxuu ku furtaa tab cusub.)

Shaqada arrimaha bulshada

Xarunta nololwanaagga iyo caafimaadka ee Kalasatama oo cinwaankeedu yahay: Työpajankatu 14 A, waa barta qaabilaadda ee dadka dalka u soo guuray lagu siiyo adeegyadooda khaaska ah, waxaana ay ku taallaa cinwaanka kor lagu soo sheegay dabaqa1-aad, qolka 1001 iyo 1002, waxayna furan tahay isniinta- jimcaha saacadaha 8.15-16.00. Marka aad timaaddo qaado lambarka safka (vuoronumero). Adeegga talosiinta dhanka telefoonka ah ee loogu talaggalay dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka (paperittomat) waxaa uu shaqeeyaa isniinta – jimcaha saacadaha 9.00-16.00, waana lambarka telefoonka 09 310 23747

Fiidkii, habeenkii, wiikendhiga iyo maalmaha fasaxyada waxaa adeegga bixiya:

Hoyga degdegga ah ee loogu talaggalay dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka (paperittomat) iyo kuwa reer Yurub ee sida joogtada ah u socdaala

Haddii aad rabto in aad codsato adeegga hoyga degdegga ah ee loogu talaggalay dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka, waxaad codsigaas samayn kartaa isniinta illaa jimcaha saacadaha 9.00-16.00, adigoo la xiriiraaya qaybta qaabilsan adeegyada gaarka ah ee dadka dalka u soo guuray. Adeegyadan waxaa laga helaa xarunta nololwanaagga iyo caafimaadka (Kalasataman Terveys- ja Hyvinvointikeskus) ee cinwaankeedu yahayTyöpajankatu 14 A. Markaad timaaddo, iska diiwaangeli xarunta qaabilaadda ee ku taalla dabaqa 1-aad. Haddii ay kula soo deristo xaalad degdeg ah fiidkii ama wiikendhiga, waxaad si toos ah ula xiriiri kartaa xarunta hoyga degdegga ah si aad u weydiiso haddii ay jiraan meelo bannaan. Xaruntaas waxaa ay ku taallaa cinwaanka: Kornetintie. Waxaad halkaas degi kartaa laga bilaabo saacadda 17:00 fiidnimo illaa inta ka horraysa saacadda 9:00 subaxnimo. Xilliga maallinnimada ah waa in xarunta laga baxaa, alaabtaada gaarka ahna halkaas ugama soo tegi kartid.

Cinwaanka: Kornetintie 10

Lambarka taleefanka (saacadaha 9.00-16:00): 044 724 1458

Xarumo-maalmeedka (Päiväkeskukset)

Adeegyo kale oo talo siin iyo taageero ah