U bood waxa ku jira

Adeegyada daryeelka caafimaadka iyo bulshada ee loogu talaggalay dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka ee ku nool Varsinais-Suomi

Hagahaan waxaa lagu soo uruuriyey adeegyada loogu talaggalay dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalkan Finland ee gobolka Varsinais-Suomi (Koonfur-galbeed Finland). Waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan tusaale ahaan caafimaadka, shaqada arrimaha bulshada, xarumaha maalinlaha ee dadka lagu caawiyo,iyo talosiinta arrimaha la xiriira dhanka sharciyada.

Baro xuquuqahaaga

Daryeelka caafimaadka ee Finland wuxuu inta badan ku salaysan yahay adeegyada caafimaadka ee ay bixiso dowladda (adeegyada guud ee dadweynaha). Waxaad daryeelka caafimaadka u raadsan kartaa xarun kasta oo caafimaad, ama xarun kasta oo ka mid ah kuwa degaannada nololwanaagga ee ku yaalla degmada aad deggan tahay. Daryeelka caafimaadka ee aasaasiga ah waxaa lagu daweeyaa cudurrada guud, halka daryeelka caafimaadka ee takhasuska ah (erikoissairaanhoito) lagu daweeyo cudurrada ama dhaawacyada u baahan takhasuska gaarka ah.

Waxaad xaq u leedahay daryeelka caafimaadka degdegga ah ee lagammamaarmaanka ah iyo taageerada dhaqaalaha nololmaalmeedka (toimeentulotuki). Daryeelka degdegga ah waxaa ka mid ah tusaale ahaan, arrimaha heeganka (päivysytys), gargaarka degdegga ah iyo daryeelka xooggan ama qaybta daryeelka ee la dhigo qofka sida aadka ah u liita (tehohoito). In daryeel lagammamaarmaan ah loo baahan yahay iyo inkale waxaa mar walba qiimayn ku samaynaaya qof ka mid ah xirfadlayaasha arrimaha caafimaadka, laakiin ugu yaraan arrimahaas waxaa ka mid ah la socodka iyo daaweynta cudurrada muddada dheer jira, cusboonaysiinta qaar ka mid ah daawooyinka joogtada ah, tallaallada, baaritaannada sheybaarka iyo ballamada koontaroolka ama la socodka xaaladda ee ka dambeeya daryeelka heeganka. Waxaa intaas dheer haweenka uurka leh waxaa ay xaq u leeyihiin daryeelka iyo la socodka uurka ee laga sameeyo rugta daryeelka caafimaadka hooyada uurka leh (äitiysneuvola). Carruurtuna waxaa ay xaq u leeyihiin dhammaan adeegyada caafimaad ee ay helaan dadka ku nool isla deegaankaas nololwanaagga.

Shaqaalaha daryeelka caafimaadka waxaa saaran waajibka ah xifdinta sirta dadka. Dhakhtarka, kalkaalisada ama qof kale oo xirfadle caafimaad ah uma sheegi karo hay’adaha dowladda wax ku saabsan sababaha aad adigu halkaas u joogtay.

Bukaanku waa in uu bixiyo kharashka macmiilka (asiakasmaksu) marka uu u tago kalkaalisada caafimaadka, dhakhtarka, adeegyada rugta daryeelka caafimaadka dhallaanka iyo hooyada, daryeelka ilkaha iyo tagitaanka qaybta heeganka. Haddii aad tahay qof aan haysan wax dhaqaale ah u sheeg xirfadlayaasha caafimaadka, si aan laguugu soo dirin wax biil ama kharash ah.

Uma baahnid in aad haysato kaarka Kelada (Kela-kortti). Haddii aadan lahayn taariikhda dhalashada iyo lambarka diiwaanka (henkilötunnus), xusuuso in aad ka codsato xirfadlaha caafimaadka lambarka aqoonsiga kummeelgaarka ah, kuna qor
meel aad ka heli karto, maxaa yeelay hadhow ayaad u baahan doontaa marka aad doonayso adeegyada caafimaadka. Waxaa dhici karta in lagu siiyo in ka badan hal lambar aqoonsi kummeelgaar ah, maadaama nidaam kasta oo xogta bukaanka lagu kaydiyo uu kuu sameyn karo lambar u gaar ah. Sidoo kale ka codso in waraaqaha daawada (resepti) iyo kuwa tilmaanbixinta ama hagista bukaanka lagugu siiyo waraaq ahaan, oo laguu soo daabaco.

Raadso daryeelka caafimaadka sida ugu dhakhsaha badan marka aad u baahato, oo ha sugin illaa xanuunku ka sii daro – waa xuquuq aad leedahay!

Adeegyada caafimaadka iyo arrimaha bulshada

Qaybta gargaarka degdegga ah ee isbitaalka

Xarumaha wadajirka ee  gargaarka degdegga ah ee isbitaallada

Adeegyada kale ee gurmadka degdegga ah

Xarumaha caafimaadka iyo rugaha daryeelka caafimaadka dhallaanka iyo hooyada

Dhammaan xarumaha caafimaadka ee Turku iyo adeegyada caafimaadka ee dadka waddanka u soo guuray ee ajaanibta ah (MMTP), ayaa daryeela dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka ee u baahan daryeel aan degdeg ahayn, iyo haddii sidoo kale loo baahdo daryeelka degdegga ah. Daryeelka degdegga ah waxaa lagu qaban karaa xarunta caafimaadka ee aad daryeelka u raadsato. Haddii aadan lahayn taariikhda dhalashada iyo lambarka diiwaanka (henkilötunnus), waxaa kuu fudud in aad si toos ah u tagto goobta. Haddii kale, waxaad la soo xiriiri kartaa adeegyada caafimaadka ee dadka waddanka u soo guuray ee ajaanibta ah (MMTP) adigoo kula soo xiriiraaya dhanka telefoonka, haddii aad taqaanno luqad kugu filan (af finish, af iswiidhish, af ingiriis) waxaad wici kartaa +358 40 486 3661 (isniin–khamiis 8:15–15:00, Jimce 8:15–14:00).

Dhammaan xarumaha caafimaadka ee gobolka VarsinaisSuomi (Koonfur-galbeed) waxa aad ka heli kartaa bogga internetka:
https://www.varha.fi/fi/toimipisteiden-yhteystiedot/varhan-terveysasemat (Booqo websaydka dibadda. Xiriirku wuxuu ku furtaa tab cusub.)

Haweenka uurka leh waxaa ay xaq u leeyihiin adeegyada rugta daryeelka caafimaadka ee hooyada uurka leh (äitiysneuvola), sidoo kale carruurta ka yar da’da iskuulka waxaa ay xaq u leeyihiin adeegyada rugta daryeelka caafimaadka dhallaanka iyo hooyada (lastenneuvola). Dhammaan adeegyada rugaha daryeelka caafimaadka dhallaanka ee gobolka Varsinais-Suomi waxaad ka heli kartaa bogga internetka https://www.varha.fi/fi/palvelut/lasten-nuorten-ja-perheiden-palvelut/neuvolapalvelut (Booqo websaydka dibadda. Xiriirku wuxuu ku furtaa tab cusub.) (haweenka uurka leh, carruurta iyo qoysaska)

Adeegyada kale ee bulshada iyo caafimaadka

Adeegyada kale ee talosiinta iyo taageerada