Hagahaan waxaa lagu soo uruuriyey adeegyada loogu talaggalay dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalkan Finland, kuwaasoo aan lahayn xuquuq buuxda oo ay ku helaan adeegyada caafimaadka iyo bulshada. Waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan tusaale ahaan caafimaadka, shaqada arrimaha bulshada, xarumaha maalinlaha ah ee dadka lagu caawiyo,iyo talosiinta ku saabsan arrimaha sharciyada.
Daryeelka caafimaadka ee Finland wuxuu inta badan ku salaysan yahay adeegyada caafimaadka ee ay bixiso dowladda (adeegyada guud ee dadweynaha). Waxaad tagi kartaa xarun kasta oo caafimaad (terveysasema) ama xarun kasta oo daryeelka caafimaadka iyo bulshada ee ka tirsan xarunta nololwanaagga (hyvinvointikeskus) ee degmada aad joogto. Daryeelka caafimaadka aasaasiga ah waxaa lagu daweeyaa dhibaatooyinka caafimaadka ee guud ahaaneed. Waxaa lagu daweeyaa cudurrada ama dhaawacyada u baahan dhakhaatiir ku takhasustay qayb gaar ah oo caafimaadka ah.
Waxaad mar walba xaq u leedahay daryeel caafimaad oo degdeg ah. Daryeelka caafimaadka ee degdegga ah waxaa ka mid ah tusaale ahaan, gargaarka degdegga ah (ensihoito), heeganka (päivystys) iyo daryeelka xooggan ama daryeelka xaaladaha aadka u daran (tehohoito). Xaalado badan waxaad sidoo kale xaq u leedahay daryeelka caafimaad ee lagammamaarmaanka ah. Dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka (paperittomat), laakiin si sharci ah dalka u jooga waxaa ay xaq u leeyihiin in ay adeegyada lagammamaarmaanka ah ka helaan meel kasta oo dalkaan Fijnland ka mid ah. Dadka aan lahayn sharciga degganaanshaha dalka ee aan haysan oggolaansho sharci ah oo ay dalka ku joogaan, waxaa ay xaalado gaar ah helayaan adeegyada lagammamaarmaanka ah. Sidoo kale waxaad heli kartaa adeegyada daryeelka bulshada marka aad u baahato: qof kasta waxaa loo dammaanad qaaday in uu helo dhaqaalaha nololmaalmeedka (toimeentulo) ee lagammamaarmaanka ah ee uu u baahan yahay.
Xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka ayaa qiimaynaaya baahida daryeel ee lagammamaarmaanka ah iyo suurtaggalnimada ah in baahidaas la bixiyo. Waa muhiim in aad daryeel caafimaad raadasataa wakhtiga ku habboon, iyadoo aan loo eegeynin nooca ama xaaladdaada sharci ee joogitaankaaga Finland. Daryeelka lagammamaarmaanka ah waxaa ugu yaraan ka mid ah:
- la socodka iyo daaweynta cudurrada muddada dheer jira
- cusboonaysiinta qaar ka mid ah daawooyinka joogtada ah
- tallaallada
- qaar ka mid ah baaritaannada shaybaarka iyo
- booqashooyinka la socodka xaaladda ee la sameeyo marka qofku helo daryeel caafimaad oo degdeg ah.
Intaas waxaa dheer, haweenka uurka leh waxay xaq u leeyihiin in uurkooda lagala socdo rugta daryeelka caafimaadka hooyada uurka leh (äitiysneuvola), iyo in ay helaan adeegyada dhalmada. Carruurtu waxay xaq u leeyihiin dhammaan adeegyada caafimaadka ee ay helaan dadka deggan degaanka ama gobollada nololwanaagga (hyvinvointialue) ee ay ku nool yihiin. Dadka naafada ah waxay xaq u leeyihiin in ay helaan daryeel caafimaad oo aan degdeg ahayn oo la xiriira naafannimadooda.
Shaqaalaha caafimaadka waxaa saaran waajibka sir ilaalinta (vaitiolovelvollisuus). Taas macnaheedu waa in dhakhtarka, kalkaaliyaha caafimaadka ama qof kale oo xirfadle caafimaad ah, uusan u sheegi karin ama u gudbin karin macluumaadkaaga hay’adaha dowladda, sababo la xiriira xaaladdaada degganaanshaha ama joogitaankaaga dalka awgood.
Haddii aadan haysan dhaqaale kugu filan, u sheeg shaqaalaha daryeelka caafimaadka ama kuwa adeegga arrimaha bulshada (sooshalka). Xaaladdaas, waxaa lagaa qaadi doonaa kharashka macmiilka (asiakasmaksu) oo keliya.
Uma baahnid in aad haysato kaarka Kela-da (Kelakortti) si aad u hesho adeegyadaan. Haddii aadan lahayn taariikhda dhalashada iyo lambarka diiwaanka (henkilötunnus), xusuusnoow in aad xirfadlaha caafimaadka ka codsato lambarka diiwaanka ee kummeelgaarka ah. Marka lagu siiyo lambarkaas diiwaanka ama aqoonsiga meel ku qoro, sababtoo ah waxaad mar dambe ugu baahan doontaa adeegyada caafimaadka. Waxaa dhici karta in lagu siiyo in ka badan hal lambar aqoonsi oo kummeelgaar ah, maadaama nidaam kasta oo xogta bukaanka lagu kaydiyo uu kuu sameyn karo lambar u gaar ah. Sidoo kale ka codso in waraaqaha daawada (resepti) iyo kuwa tilmaanbixinta ama hagista bukaanka lagugu siiyo waraaq ahaan, oo laguu soo daabaco.
Raadso daryeelka caafimaadka sida ugu dhakhsaha badan marka aad u baahato, oo ha sugin illaa xanuunku ka sii daro – waa xuquuq aad leedahay!
Adeegyada caafimaadka iyo arrimaha bulshada
Haddii ay jirto xaalad degdeg ah waxaad wacdaa lambarka 112. Wicintaanka lambarkaas waa bilaash ama lacag la’aan. Lambarka gargaarka degdegga ah waxaa lagaaga jawaabayaa afar iyo labaatanka saac xilli walba oo sanadka oo dhan ah.
Haddii aad wacdo lambarka gargaarka degdegga ah, samee waxyaabaha soo socda:
- U sheeg waxa dhacay iyo meesha aad joogto ee ay wax ka dhaceen
- Ka jawaab su’aalaha lagu weydiiyo, oo raac tilmaanbixinta ama hagista lagu siinaayo
- Sug oo ha ka tagin goobta illaa iyo inta gargaarka degdegga ah uu ka imaanaayo
- Ha xirin telefoonka illaa iyo inta arrinkaas lagaaga fasaxaayo.
Maalmaha shaqada ee laga bilaabo isniinta illaa jimcada, saacadaha 8:00-16:00, waxaad tagi kartaa goob kasta oo ka mid ah heeganka xarunta caafimaadka adigoo aan wax ballan ah ka qabsan. Haddii aad si degdeg ah u xanuunsato fiidkii, habeenkii, iyo maalmaha ciidaha ama wiikendhiga, waa in aad tagtaa qaybta gargaarka degdegga ah ee isbitaalka. Marka xaaladdu degdeg tahay, waxaad heli kartaa gargaar iyadoon loo eegin degmada aad deggen tahay ama aad ku sugan tahay. Uma baahnid in aad ballan sii qabsato. Waxaa habboon in aad marka hore wacdo lambarka adeegga talosiinta caafimaadka degdegga ah ee 116117. Wicitaanka lambarkan waa lacag la’aan.
Lambarka gargaarka degdegga ah ee 116117 waa adeeg la talin caafimaad oo ku siinaya talooyin, marka ay kugu dhacaan dhibaatooyin caafimaad oo si kedis ah kuugu yimaada.
Qaybaha gargaarka degdegga ah ee isbitaallada
- Qaybta wadajirka ah ee heeganka ee Meilahti: Paciuksenkatu 3, Helsinki (xanuunnada kediska ah ee dadka waaweyn, dhaawacyada iyo dhibaatooyinka la xiriira caafimaadka maskaxda)
- Qaybta wadajirka ah ee heeganka ah ee Malmi: Talvelantie 6, Helsinki (xanuunnada kediska ah ee dadka waaweyn iyo dhaawacyada)
- Heeganka carruurta: Isbitaalka cusub ee carruurta, Stenbäckinkatu 9, Helsinki
- Heeganka haweenka uurka leh iyo kuwa dhalaaya: Naistenklinikka, Haartmaninkatu 2, Helsinki
- Xarunta taageerada ee dhibbanayaasha loo gaysto waxyeellada jinsiga ama galmada ah (dadka ka weyn 16-sano jirka): Haartmaninkatu 2 (dabaqa 6-aad), Helsinki. (Kahor inta aadan imaan heeganka waxaad wacdaa lambarkaan 040 701 8446. Waan ka jawaabaynnaa xilli kasta oo afar iyo labaatanka saac ka mid ah)
- Qaybta heeganka ee cudurrada afka iyo ilkaha:
- Fiidadkii iyo wiikendhiyada: Puistosairaala, Stenbäckinkatu 11 C (dabaqa 1-aad), Helsinki. (Kahor inta aadan imaan heeganka waxaad wacdaa lambarkaan 09 471 71110).
- Habeenkii: Heeganka wadajirka ah ee Meilahti, Paciuksenkatu 3, Helsinki. (Kahor inta aadan imaan heeganka waxaad wacdaa lambarkaan 116117).
Heeganka Jorvi ee dadka waawayn iyo carruurta: Turuntie 150, dabaqa A (dhismahaa heeganka), Espoo
Heeganka wadajirka ah ee Peijas ee dadka waaweyn: Sairaalakatu 1, Vantaa
Xarumaha caafimaadka
Xarunta caafimaaadka iyo nololwanaagga ee Kalasatama
Cinwaanka: Työpajankatu 14 A, dabaqa 1-aad, qolka 1016.
Qaabilaadda- Walk-in waxaa ay adeegga bixiyaan isniin ilaa jimce saacadaha 8:30-11:00. Qaabilaaddan uma baahna in aad ballan hore u sii qabsato. Waxaa sida caadiga ah qaabilaaddaan jooga kalkaalisada caafimaadka, iyo haddii loo baahdo dhakhtar. Haddii aad u baahan tahay talosiin dhanka telefoonka ah waxaad heli kartaa maalmaha isniinta illaa jimcaha saacadaha 12:30 –13:30. Waxaad markaas wacdaa lambarkaan 09 310 53914.
Goobaha kale ee xarumaha caafimaadka ee Helsinki
Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogagga internetka (Booqo websaydka dibadda. Xiriirku wuxuu ku furtaa tab cusub.).
Rugta daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee loogu talaggalay haweenka uurka leh iyo carruurta da’doodu ka yar tahay 7 sano
Cinwaanka: Itämerenkatu 5 A.
Waxaad wacdaa oo ballanka ka qabsataa lambarkan: 09 310 55530
Rugaha kale ee daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee Helsinki
Macluumaadka dheeraadka ah waxaad ka heleysaa bogagga internetka (Booqo websaydka dibadda. Xiriirku wuxuu ku furtaa tab cusub.).
Waxaad wici kartaa lambarkan 09 47636400 laga bilaabo isniinta illaa jaimcaha, saacadaha 8.00 -15.30. Waxaad u reebtaa farriinta ah codsiga soo wicitaanka, sidaas ayay dib kuugu soo celinayaan oo kuu soo wacayaan.
Global Clinic
Global Clinic waxaa ay siisaa dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka taageero dhinacyo kala duwan leh iyo talosiin dhanka caafimaadka ah. Sidoo kale waxaa ay kaa caawinayaan sidii lagu heli lahaa daryeel caafimaad oo kugu habboon. Global Clinic waxaa ka shaqeeya xirfadlayaal caafimaad oo si ikhtiyaari ama mutadawacnimo ah u shaqeeya. Waxaad halkaas ka heli kartaa caawimaad sir ah (aan cid kale arrimahaaga loo sheegeyn) oo lacag la’aan ah, khasabna kuguma aha in aad sheegto aqoonsigaaga iyo qofka aad tahay. Haddii aad rabto in aad la soo xiriirto Global Clinic, wac lambarkaan 044 977 4547 ama u dir iimayl cinwaanka hoos ku qoran: globalclinic.finland@gmail.com, www.globalclinic.fi (Booqo websaydka dibadda. Xiriirku wuxuu ku furtaa tab cusub.)
Shaqada arrimaha bulshada
Xarunta nololwanaagga iyo caafimaadka ee Kalasatama oo cinwaankeedu yahay: Työpajankatu 14 A, waa barta qaabilaadda ee dadka dalka u soo guuray lagu siiyo adeegyadooda khaaska ah, waxaana ay ku taallaa cinwaanka kor lagu soo sheegay dabaqa1-aad, qolka 1001 iyo 1002, waxayna furan tahay isniinta- jimcaha saacadaha 8.15-16.00. Marka aad timaaddo qaado lambarka safka (vuoronumero). Adeegga talosiinta dhanka telefoonka ah ee loogu talaggalay dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka (paperittomat) waxaa uu shaqeeyaa isniinta – jimcaha saacadaha 9.00-16.00, waana lambarka telefoonka 09 310 23747
Fiidkii, habeenkii, wiikendhiga iyo maalmaha fasaxyada waxaa adeegga bixiya:
Haddii ay jirto xaalad degdeg oo si kedis ah u dhacday, waxaad wacdaa lambarka 09 3104 4222
Heeganka mas’uul ka tirsan shaqaalaha arrimaha bulshada ama sooshalka, waxaa laga helayaa lambarka 0206 96006
Hoyga degdegga ah ee loogu talaggalay dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka (paperittomat) iyo kuwa reer Yurub ee sida joogtada ah u socdaala
Haddii aad rabto in aad codsato adeegga hoyga degdegga ah ee loogu talaggalay dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka, waxaad codsigaas samayn kartaa isniinta illaa jimcaha saacadaha 9.00-16.00, adigoo la xiriiraaya qaybta qaabilsan adeegyada gaarka ah ee dadka dalka u soo guuray. Adeegyadan waxaa laga helaa xarunta nololwanaagga iyo caafimaadka (Kalasataman Terveys- ja Hyvinvointikeskus) ee cinwaankeedu yahayTyöpajankatu 14 A. Markaad timaaddo, iska diiwaangeli xarunta qaabilaadda ee ku taalla dabaqa 1-aad. Haddii ay kula soo deristo xaalad degdeg ah fiidkii ama wiikendhiga, waxaad si toos ah ula xiriiri kartaa xarunta hoyga degdegga ah si aad u weydiiso haddii ay jiraan meelo bannaan. Xaruntaas waxaa ay ku taallaa cinwaanka: Kornetintie. Waxaad halkaas degi kartaa laga bilaabo saacadda 17:00 fiidnimo illaa inta ka horraysa saacadda 9:00 subaxnimo. Xilliga maallinnimada ah waa in xarunta laga baxaa, alaabtaada gaarka ahna halkaas ugama soo tegi kartid.
Cinwaanka: Kornetintie 10
Lambarka taleefanka (saacadaha 9.00-16:00): 044 724 1458
Xarumo-maalmeedka (Päiväkeskukset)
Xaruntaasi waa meel ammaan ah oo laga helaayo caawimaad iyo talosiin. Waad ku qubaysan kartaa, cuntada ayaad ku karsan kartaa, islamarkaana dharka ayaad ku dhaqan kartaa, waadna ku nasan kartaa. Waxaa sidoo kale dadka la siiyaa kafee iyo shaah. Intaas waxaa dheer oo halkaas lagu qaybiyaa galab walba oo talaado ah, cuntooyinka soo haray ee dukaamadu ku soo deeqaan (hävikkiruoka).
Cinwaanka waa: Toivon talo, Sahaajankatu 49. Xilliyada ay xaruntu furan tahay waa isniin–khamiis saacadaha 10.00–16.00 iyo jimcayaasha saacadaha 10.00–15.00. Waxaad wacdaa lambarka telefoonka ee ah: 050 327 4519
Waxaad shaqaalaha kala xiriiri kartaa lambarrada hoos ku qoran:
- 050 430 4780 (af-finish, af-carabi, af-faransiis iyo af-ingiriis) ama
- 050 329 0660 (af-finish, af-carabi, af-ingiriis)
Xarun-maalmeedkan waxaad ka heli kartaa taageero ku saabsan arrimaha la xiriira nololmaalmeedka. Sidoo kale waxaa ay bixisaa adeegyada ay ka midka yihiin tilmaanbixinta ama hagista iyo talosiinta. Waxaad ka heli kartaa kafee, waad ku qubaysan kartaa, dharka ayaad ku dhaqan kartaa, sidoo kale waxaad ka heleysaa isticmaalka internetka. Waxaad danahaaga ku dhammaysan kartaa luqadaha af-bulgaariga iyo af-roomanka.
Cinwaanka: Toivon talo, Sahaajankatu 49.
Saacadaha ay xarun-maalmeedkan furan tahay: isniin–khamiis saacadaha 10.00–16.00 iyo Jimcayaasha saacadaha 10.00–15.00. Waxaad shaqaalaha kala xiriiri kartaa lambarrada hoos ku qoran:
- 050 478 0092 ama 050 441 9426 (af- roomaaniya, af-ingiriis, af-finish)
Talosiin, hagis iyo taageero loogu talaggalay dhallinyarada da’doodu u dhexayso 18 ilaa 29 sano ee ku jira xaaladaha dhibaatooyinka adag ee nolosha.
Maalin kasta oo arbaco ah, waxaa jira adeegga furan oo aan ballan loo baahnayn laga bilaabo saacadaha 9:00 -15:00. Cinwaanka: Kontulankaari 24
- Wael: Wac lambarka telefoonka 050 575 3152
Waxaa laguugu adeegayaa luqadaha kala ah: af-finnish, af-carabia, af-ingiriisi - Gabriela: Wac lambarka telefoonka 050 551 2210
Waxaa laguugu adeegayaa luqadaha kala ah: af-finnish, af-ingiriisi - Eeli: Wac lambarka telefoonka 050 368 0349
Waxaa laguugu adeegayaa luqadaha kala ah: af-finnish, af-ingiriisi
Talosiinta iyo taageeridda dadka ku hadla luqadaha ajnabiga
Khabiir takhasus leh ayaa kaa caawinaaya sidii xaaladdaada loo caddayn lahaa loona fahmi lahaa, wuxuuna kugu hagayaa adeegyada kugu habboon.
Talosiintan waxaa loogu talagalay muwaadiniinta ajnabiga ah ee aan hoy rasmi ah haysan, gaar ahaan xaaladaha soo socda:
- marka aanay caddayn in aad xaq u leedahay adeegyada iyo gunnooyinka bulshada ee Finland.
- marka aad u baahan tahay caawimaad ku saabsan diiwaangelinta arrimaha la xiriira sharciga degganaanshaha dalka (oleskelulupa).
Heini Puurunen:
Waxaad wacdaa lambarka telefoonka 044 260 3818, ama u dir iimeyl cinwaankaan heini.puurunen@vvary.fi
Waxaa laguugu adeegayaa luqadaha kala ah af-finnish, af-ingiriisi iyo af-bulgariya.
Talo bixiyaha waxaad heli kartaa marka aad horey ballan uga soo qabsatid maalmaha isniin ilaa jimcaha saacadaha 9-16, xarunta Vepa (Vertais- ja vapaaehtoistoiminnan keskus).
Cinwaanka: Ratamestarinkatu 6, Itä-Pasila (bariga Pasila)
Xarunta Ururka Vertais- ja vapaaehtoistoiminnan keskus (Vepa)
Vepa waa meel furan oo loogu talaggalay dadka aan haysan hoy ama guri ay deggan yihiin. Iyadoo loo soo maraayo xarunta Vepa, waxaad ballan ka qabsan kartaa khabiirka talo bixiyaha ah ee loogu talaggalay dadka ku hadla luqadaha ajnabiga, waxaadna heli kartaa taageero iyo hagitaan ku saabsan adeegyada kala duwan ee aad u baahan tahay. Xaruntan waxaa sidoo kale laga helaa cunto diirran oo la bixiyo hal mar maalinkii, sidoo kale waxaa xarunta laga helaa dhar deeq ahaan loo bixiyo iyo agabka nadaafadda caafimaadka (hygieniatarvikkeet). Waxaa kaloo yaalla goobta kombiyuutar iyo telefoon aad isticmaali karto. Vepa waxaa ay furan tahay maalmaha isniin, talaado, arbaco iyo jimce, saacadaha 9:00 – 19:00, iyo khamiis walba: 9:00 – 14:00 iyo 17:00 – 19:00.
Cinwaanka: Ratamestarinkatu 6, Itä-Pasila
Waxaad wici kartaa lambarka telefoonka 050 443 1065 ama 044 704 4310, ama waxaad iimayl u diri kartaa cinwaankan: vepa@vvary.fi
Adeegyo kale oo talo siin iyo taageero ah
Barta taageerada ee Tukipiste Mosaiikki waxaa ay bixisaa adeegyo ay ka mid yihiin talosiin, tilmaanbixin ama hagis iyo taageero loogu talaggalay dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka (paperittomat), iyo dadka halista ugu jira in ay noqdaan kuwo aan lahayn sharciga degganaanshaha dalka. Xaruntan waxaa dadka laga caawiyaa su’aalaha la xiriira sharciga degganaanshaha dalka (oleskelulupa), shaqo codsashada iyo xuquuqaha qofka, sidoo kale waxaa la siiyaa tilmaanbixin ama hagitaan ku saabsan sida loo helo adeegyada caafimaadka, adeegyada arrimaha bulshada ama sooshaalka, talosiinta arrimha la xiriira sharciga iyo adeegyo kale. Sidoo kale, Tukipiste Mosaiikki waxay bixisaa taageero nafsi ahaaneed, iyadoo sidoo kale fursad loo siinaayo qofka in lala yeesho wadahadal ama wada sheekeysi caawimaad iyo talosiin ah.
Marka laga reebo la kulanka shaqaalaha, xarunta waxaa kaloo laga heli karaa: goob lagu qubeysto, meel dharka lagu dhaqdo, iyo meel yar oo diirran oo lagu qalabeeyay jiko yar. Intaas waxaa dheer, oo xarunta lagu qabtaa koorasyo luqadda finishka oo qaab koox ahaaneed ah loo dhigto, taasoo uu qof walba si fudud uga qayb geli karo, iyo sidoo kale adeegyo la xiriira caafimaadka iyo kooxo ku tababar qaadata cunto karinta.
Cinwaanka: Paavalinkirkon Varustamo, Sammatintie 5 (waxaa xarunta Varustamo laga soo geli karaa dhanka Kuusamonkatu.)
Adeegga Drop-In waa isniin kasta saacadaha 12:00–16:00.
Waxqabadka “Drop-In” waxaa loola jeedaa, waa in aad si toos ah u iman karto goobta adigoo aan hore u soo sheegin imaanshahaaga. Kooxda cunto karinta waxaa la qabtaa isniinta ugu dambaysa bil kasta saacadda 17.00.
Kooxdii hore uga shaqayn jirtay Hermanni ee naadiga luqadda finishka waxaa ay hadda hawshoodu ka sii socotaa xarunta ururka Laanqayrta cas ee Finland (Suomen Punainen Risti Kallio–Käpylä.
Kooxuhu waxaa ay kulmaan isniin walba saacadda 15.00 –16.30, khamiis walba saacadda 16.00 –17.30 iyo Jimce kasta saacadda 15.00 –16.30. Cinwaanka: Hämeentie 85.
Wakhtiyada kale waxaad wici kartaa ama WhatsApp ugu diri kartaa lambarka heeganka: 040 511 8488.
Dadka dalka u soo guuray waxaa loo hayaa talosiin ku saabsan arrimaha la xiriira sharciga degganaanshaha dalka (oleskelulupa) iyo magangelyoddoonista (turvapaikka).
Waxaad iimayl u diri kartaa cinwaankan: neuvonta@turvapaikanhakijoidentuki.fi.
Waxaa sidoo kale la qabtaa kulan albaabadu furan yihiin oo maalmaha talaadada ah (marka laga reebo talaadada ugu horreysa bil kasta) laga bilaabo saacadda 15.00 – 18.00.
Cinwaanka: Rahakamarintori, dabaqa 2-aad, albaabka korkiisa waxaa ku qoran “RKL”.
Adeegga UNIT ee Diakonissalaitos wuxuu taageero siiyaa dadka leh taariikh dembiyeed hore ee aan haysan dhalashada Finland. Waxaan bixinnnaa taageero iyo talosiin shakhsiyeed oo ku habboon baahida qofka, iyo talosiin iyo hagis loogu talaggalay xirfadlayaasha la shaqeeya kooxdan dadka ah.
Taageerada shakhsiga ah waxaa loola jeedaa adeegyo arrimaha bulshada ama sooshaalka ah oo ku salaysan xaaladda iyo baahida gaarka ah ee qofka. Waxaan ka caawinnaa, tusaale ahaan: arrimaha la xiriira ajaanibta iyo socdaalka, sida sharciga degganaanshaha iyo arrimo kale oo sharciyeed, arrimaha la xiriira fulinta xukunnada maxkamadda ama ciqaabaha lagu soo rogay. Intaa waxaa dheer, waxaan ka baarandegnaa sidii lagu ogaan lahaa fursadaha shaqo iyo waxbarasho ee jira.
Waxaan bixinnaa taageero iyo talosiin ah qaab ku salaysan wadahadal, si laguu caawiyo marka aad la kulanto dhibaatooyin ama aad u baahan tahay qof kula hadla.
Waxaad iimayl u diri kartaa cinwaankan: unit@hdl.fi, ama waxaad wici kartaa lambarradan soo socda:
- adeegga macaamiisha (asiakastyö): 050 590 9308
- talosiinta (neuvonta): 050 475 8963
Gaariga socda ee Hirundo waxaa uu bixiyaa talooyin, cunto iyo cabitaan diirran. Gaariga waxaa uu joogaa barxadda Kamppi laga bilaabo isniinta illaa jimcaha, maalin walba oo arbaco ahna waxaa uu taagan yahay baarkinka Puhos ee Itäkeskus.
Waxaad shaqaalaha kala xiriiri kartaa lambarrada hoos ku qoran:
- 050 366 5158 (af-finish, af-bulgaariya, af-roomaaniya, af-ingiriis, af-talyaani)
- 050 305 1623 (af-finish, af-ingiriis, af-carabi)
Shabakaddaan waxay bixisaa talosiin bilaash ama lacag la’aan ah oo ku saabsan arrimaha sharciga degganaanshaha dalka (tusaale ahaan magangelyoddoonista (turvapaikka), sharciga degganaanshaha dalka ee ku salaysan shaqada (työoleskelulupa),sharciga degganaanshaha dalka ee ku salaysan qoyska (perheoleskelulupa), iyo sharciga degganaanshaha dalka ee ku salaysan ardaynimada (opiskelijan oleskelulupa), haddii loo baahdo waxaa lagugu hagayaa, wixii kale ee adeegyo ah ee kugu habboon.
Cinwaanka iimaylka:vapaaliikkuvuus@gmail.com
Sidoo kale, waxay qabtaan munaasabadda loo yaqaan Coffee Without Borders, oo ah kulan iyo talosiin bilaash ah, arbaco walba laga bilaabo saacadda 17.00 – 20.00. Goobta: Pengerkatu 6, Helsinki.
Talosiinta waxaa loogu talaggalay dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka iyo dadka la shaqeeya ama la kulma iyaga. Talosiintaan waxaad ka heli kartaa taageero iyo tilmaaanbixinno ku saabsan sida loo raadsado adeegyada daryeelka caafimaadka iyo meelaha daryeelkaas laga helo. Soo wac lambarkan: 044 744 9932 ama farriin noo soo dir (farriinta telefoonka ama WhatsApp-ka, sidoo kale farriin cod ah ayaad soo diri kartaa) isniin illaa khamiis saacadda 9–15. Waxaad sidoo kale iimyel noogu soo diri kartaa: health.advice@lsv.fi
La soco boggayaga talosiinta ee Facebook (Health Advice for Undocumented Migrants (Booqo websaydka dibadda. Xiriirku wuxuu ku furtaa tab cusub.)) Halkaas waxaan ku qornaa macluumaadkii ugu dambeeeyay ee ku saabsan daryeelka caafimaadka ee dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka, iyo adeegyada ay bixiyaan ururrada iyo hay’adaha aan dawliga ahayn. Waxaad sidoo kale farriin noogu soo diri kartaa dhanka Messenger-ka. Waxaan fariimaha uga jawaabnaa sida ugu dhakhsaha badan.
Waxaad talosiin sharci oo bilaash ah ku heli kartaa telefoonka, maalmaha isniinta saacadaha 14:00 – 16:00. Waxaad wici kartaa lambarka telefoonkan: 045 237 7104.
Waxaad su’aalahaaga ku soo diri kartaa iimeylka: paperittomat@pakolaisneuvonta.fi.