Hagahaan waxaa lagu soo uruuriyey adeegyada loogu talaggalay dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalkan Finland ee gobolka Varsinais-Suomi (Koonfur-galbeed Finland). Waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan tusaale ahaan caafimaadka, shaqada arrimaha bulshada, xarumaha maalinlaha ee dadka lagu caawiyo,iyo talosiinta arrimaha la xiriira dhanka sharciyada.
Baro xuquuqahaaga
Daryeelka caafimaadka ee Finland wuxuu inta badan ku salaysan yahay adeegyada caafimaadka ee ay bixiso dowladda (adeegyada guud ee dadweynaha). Waxaad daryeelka caafimaadka u raadsan kartaa xarun kasta oo caafimaad, ama xarun kasta oo ka mid ah kuwa degaannada nololwanaagga ee ku yaalla degmada aad deggan tahay. Daryeelka caafimaadka ee aasaasiga ah waxaa lagu daweeyaa cudurrada guud, halka daryeelka caafimaadka ee takhasuska ah (erikoissairaanhoito) lagu daweeyo cudurrada ama dhaawacyada u baahan takhasuska gaarka ah.
Waxaad xaq u leedahay daryeelka caafimaadka degdegga ah ee lagammamaarmaanka ah iyo taageerada dhaqaalaha nololmaalmeedka (toimeentulotuki). Daryeelka degdegga ah waxaa ka mid ah tusaale ahaan, arrimaha heeganka (päivysytys), gargaarka degdegga ah iyo daryeelka xooggan ama qaybta daryeelka ee la dhigo qofka sida aadka ah u liita (tehohoito). In daryeel lagammamaarmaan ah loo baahan yahay iyo inkale waxaa mar walba qiimayn ku samaynaaya qof ka mid ah xirfadlayaasha arrimaha caafimaadka, laakiin ugu yaraan arrimahaas waxaa ka mid ah la socodka iyo daaweynta cudurrada muddada dheer jira, cusboonaysiinta qaar ka mid ah daawooyinka joogtada ah, tallaallada, baaritaannada sheybaarka iyo ballamada koontaroolka ama la socodka xaaladda ee ka dambeeya daryeelka heeganka. Waxaa intaas dheer haweenka uurka leh waxaa ay xaq u leeyihiin daryeelka iyo la socodka uurka ee laga sameeyo rugta daryeelka caafimaadka hooyada uurka leh (äitiysneuvola). Carruurtuna waxaa ay xaq u leeyihiin dhammaan adeegyada caafimaad ee ay helaan dadka ku nool isla deegaankaas nololwanaagga.
Shaqaalaha daryeelka caafimaadka waxaa saaran waajibka ah xifdinta sirta dadka. Dhakhtarka, kalkaalisada ama qof kale oo xirfadle caafimaad ah uma sheegi karo hay’adaha dowladda wax ku saabsan sababaha aad adigu halkaas u joogtay.
Bukaanku waa in uu bixiyo kharashka macmiilka (asiakasmaksu) marka uu u tago kalkaalisada caafimaadka, dhakhtarka, adeegyada rugta daryeelka caafimaadka dhallaanka iyo hooyada, daryeelka ilkaha iyo tagitaanka qaybta heeganka. Haddii aad tahay qof aan haysan wax dhaqaale ah u sheeg xirfadlayaasha caafimaadka, si aan laguugu soo dirin wax biil ama kharash ah.
Uma baahnid in aad haysato kaarka Kelada (Kela-kortti). Haddii aadan lahayn taariikhda dhalashada iyo lambarka diiwaanka (henkilötunnus), xusuuso in aad ka codsato xirfadlaha caafimaadka lambarka aqoonsiga kummeelgaarka ah, kuna qor
meel aad ka heli karto, maxaa yeelay hadhow ayaad u baahan doontaa marka aad doonayso adeegyada caafimaadka. Waxaa dhici karta in lagu siiyo in ka badan hal lambar aqoonsi kummeelgaar ah, maadaama nidaam kasta oo xogta bukaanka lagu kaydiyo uu kuu sameyn karo lambar u gaar ah. Sidoo kale ka codso in waraaqaha daawada (resepti) iyo kuwa tilmaanbixinta ama hagista bukaanka lagugu siiyo waraaq ahaan, oo laguu soo daabaco.
Raadso daryeelka caafimaadka sida ugu dhakhsaha badan marka aad u baahato, oo ha sugin illaa xanuunku ka sii daro – waa xuquuq aad leedahay!
Adeegyada caafimaadka iyo arrimaha bulshada
Haddii ay jirto xaalad degdeg ah waxaad wacdaa lambarka 112. Wicintaanka lambarkaas waa bilaash ama lacag la’aan. Lambarka gargaarka degdegga ah waxaa lagaaga jawaabayaa afar iyo labaatanka saac xilli walba oo sanadka oo dhan ah.
Haddii aad wacdo lambarka gargaarka degdegga ah, samee waxyaabaha soo socda:
- U sheeg waxa dhacay iyo meesha aad joogto ee ay wax ka dhaceen
- Ka jawaab su’aalaha lagu weydiiyo, oo raac tilmaanbixinta ama hagista lagu siinaayo
- Sug oo ha ka tagin goobta illaa iyo inta gargaarka degdegga ah uu ka imaanaayo
- Ha xirin telefoonka illaa iyo inta arrinkaas lagaaga fasaxaayo.
Maalmaha shaqada ee laga bilaabo isniinta illaa jimcada, saacadaha 8:00-16:00 waxaad tagi kartaa goob kasta oo ka mid ah heeganka xarunta caafimaadka adigoo aan wax ballan ah ka qabsan. Haddii aad si degdeg ah u xanuunsato fiidkii, habeenkii, maalmaha ciidaha ama wiikendhiga, waa in aad tagtaa qaybta gargaarka degdegga ah ee isbitaalka. Marka xaaladdu degdeg tahay, waxaad heli kartaa gargaar iyadoon loo eegin degmada aad deggan tahay ama aad ku sugan tahay. Uma baahnid in aad ballan sii qabsato. Waxaa habboon in aad marka hore wacdo lambarka adeegga talosiinta caafimaadka degdegga ah ee 116117. Wicitaanka lambarkan waa lacag la’aan.
Qaybta gargaarka degdegga ah ee isbitaalka
Xarumaha wadajirka ee gargaarka degdegga ah ee isbitaallada
Tyks, isbitaalka-T
Savitehtaankatu 1, 20540 Turku
Waxaa uu furan yahay maalin walba, afar iyo labaatanka saac
Tyks, Isbitaalka Salo
Sairaalantie 9, 24130 Salo
Waxaa uu furan yahay isniin-jimco, saacadda 8:00-22:00
Tyks, Isbitaalka Loimaa
Seppälänkatu 15, 32200 Loimaa
Waxaa uu furan yahay isniin-jimco, saacadda 10:00-20:00
Tyks, Isbitaalka Vakka-Suomi
Terveystie 2, 23500 Uusikaupunki
Waxaa uu furan yahay isniin-jimco, saacadda 10:00-20:00
Adeegyada kale ee gurmadka degdegga ah
Turku, Tyks Isbitaalka Majakka (heeganka carruurta)
Savitehtaankatu 5, 20540 Turku
Albaabka weyn ee laga galo 22, dabaqa 2-aad. Qaybta H, wiishka A)
Waxaa uu furan yahay maalin walba afar iyo labaatanka saac
Heeganka carruurta iyo dhallinyarada waxaa afar iyo labaatanka saac lagu daryeelaa carruurta iyo dhallinyarada ay da’doodu ka yar tahay 16-ka sano ee u baahan daryeelka heeganka.
Telefoonka qiimaynta baahida daryeel ee qofka: +3582 313 1420
Tyks Isbitaalka Majakka
Savitehtaankatu 5, 20540 Turku
Wiishka B, dabaqa 3-aad, dhanka bidixda
Waxaa uu furan yahay maalin walba afar iyo labaatanka saac
Heeganka uurka iyo dhalmada waxaa hooyooyinka u imaanaya in ay dhalaan ka sokow lagu daryeelaa, haweenka uurkoodu uu gaaray xilliga 20+0 toddobaad ee qaba dhibaatooyinka degdegga ah ee xilliga uurka, iyo hooyooyinka dhalay illaa afar toddobaad xilligii dhalmada kaddib. Haweenka dhalaaya loogama baahna in ay horey u soo sheegaan imaanshahooda. Heeganka uurka waxa aad kala xiriiri kartaa lamabarka telefoonka: +358 2 313 1000
Qaabilaadda heeganka ee wakhtiyada shaqada:
isniin-khamiis, saacadda 8:00-16:00 iyo jimcaha, saacadda 8:00-15:30
Qaabilaadda heeganka waxaa loogu talaggalay dadka u baahan daryeelka degdegga ah. Baahida daryeel ee degdegga ah waxaa lagu qiimaynayaa dhanka telefoonka, markaa kaddib ayaa qofkii u baahan daryeel degdeg ah waxaa loo qabanayaa ballan.
Tusalaayalaasha ku saabsan baahida daryeelka degdegga ah:
- Xanuun aad u daran oo ka jira iligga ama qaybta afka
- Barar iyo caabuq ama infekshan ka jira meelo gaar ah
- Dhibaatooyinka ka dhasha daryeelka lagu sameeyay ilkaha kaddib, sida xanuun, nabarkii ama dhaawacii oo furma ama dhiigbax aan istaagayn
- Shil ku dhaca agagaarka wajiga ama daanka, tusaale ahaan: ilig joogto ah oo shil awgiis ku dhacay, aad u dillaacay ama si xoog leh u liiqliiqanaaya
- Jabniin soo gaara iligga hore oo muuqaal xumo keena
- Ilig si weyn u jaba oo astaamo xanuun keena, ama marka daaweynta xididka ay wali socoto
- Dhibaatooyinka kalagoysyada daanka iyo murqaha caawiya wax qaniinista, oo ay weheliso xanuun daran ama kabuubyo
- Qalabka ilkaha lagu toosiyo, buundada ama taajka oo qayb ahaan soo go’ay ama khatar ugu jira inuu soo go’o, kaasoo afka xoqaaya
- Isbeddello xanuun leh oo ku dhaca xuubka gudaha afka ama boogo ama nabarro muddo dheer soo jiray
- Isbeddel degdeg ah oo ku yimaada dhaqdhaqaaqa ilkaha
Macluumaadka ku saabsan halka lagala xiriri karo xarunta kuugu dhow, waxaad ka eegtaa boggaan internetka: https://www.varha.fi/fi/palveluhakemisto/suun-terveydenhuollon-paivystys-kiirehoito-virka-aikana (Booqo websaydka dibadda. Xiriirku wuxuu ku furtaa tab cusub.)
Xarumaha caafimaadka iyo rugaha daryeelka caafimaadka dhallaanka iyo hooyada
Dhammaan xarumaha caafimaadka ee Turku iyo adeegyada caafimaadka ee dadka waddanka u soo guuray ee ajaanibta ah (MMTP), ayaa daryeela dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka ee u baahan daryeel aan degdeg ahayn, iyo haddii sidoo kale loo baahdo daryeelka degdegga ah. Daryeelka degdegga ah waxaa lagu qaban karaa xarunta caafimaadka ee aad daryeelka u raadsato. Haddii aadan lahayn taariikhda dhalashada iyo lambarka diiwaanka (henkilötunnus), waxaa kuu fudud in aad si toos ah u tagto goobta. Haddii kale, waxaad la soo xiriiri kartaa adeegyada caafimaadka ee dadka waddanka u soo guuray ee ajaanibta ah (MMTP) adigoo kula soo xiriiraaya dhanka telefoonka, haddii aad taqaanno luqad kugu filan (af finish, af iswiidhish, af ingiriis) waxaad wici kartaa +358 40 486 3661 (isniin–khamiis 8:15–15:00, Jimce 8:15–14:00).
Dhammaan xarumaha caafimaadka ee gobolka VarsinaisSuomi (Koonfur-galbeed) waxa aad ka heli kartaa bogga internetka:
https://www.varha.fi/fi/toimipisteiden-yhteystiedot/varhan-terveysasemat (Booqo websaydka dibadda. Xiriirku wuxuu ku furtaa tab cusub.)
Haweenka uurka leh waxaa ay xaq u leeyihiin adeegyada rugta daryeelka caafimaadka ee hooyada uurka leh (äitiysneuvola), sidoo kale carruurta ka yar da’da iskuulka waxaa ay xaq u leeyihiin adeegyada rugta daryeelka caafimaadka dhallaanka iyo hooyada (lastenneuvola). Dhammaan adeegyada rugaha daryeelka caafimaadka dhallaanka ee gobolka Varsinais-Suomi waxaad ka heli kartaa bogga internetka https://www.varha.fi/fi/palvelut/lasten-nuorten-ja-perheiden-palvelut/neuvolapalvelut (Booqo websaydka dibadda. Xiriirku wuxuu ku furtaa tab cusub.) (haweenka uurka leh, carruurta iyo qoysaska)
Adeegyada kale ee bulshada iyo caafimaadka
Haddii aad ka shakisan tahay in ay kugu dhaceen ama aad qaadday cudurrada galmada lagu kala qaado, waxaad wacdaa xarunta caafimaadka. Haddii aad u baahan tahay talo ku saabsan cudurrada galmada ama sida looga hortago, waxaad wacdaa xarunta caafimaadka ama lambarka talosiinta ee isbitaalyaraha cudurrada galmada .
Isbitaalyaraha cudurrada galmada (seksitautien poliklinikka):
Talosiinta dhanka telefoonka waxaa ay furan tahay isniin–khamiis, saacadda 13:00–15:00, iyo Jimce 13:00–14:00
Waxaad wacdaa lambarkan: +358 2 313 2635
Global Clinic waxaa uu taageero badan oo dhinacyo kala duwan leh iyo talooyin caafimaad siiyaa dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka. Sidoo kale waxaa ay kaa caawiyaan sidii qofku uu ku heli lahaa daryeel caafimaad. Global Clinic waxaa ka shaqeeya xirfadlayaal caafimaad oo si ikhtiyaari ah u shaqaynaaya. Waxaad heleysaa caawimaad lacag la’aan ah oo aad ku kalasoonaan karto (sirtaada laguu qarinaayo), khasabna ma aha in aad sheegto taariikhda dhalashada iyo
lambarka diiwaanka (henkilötunnus). Haddii aad doonayso in aad la xiriirto isbitaalyaraha Global Clinic, wac lambarka+35840 618 4554 ama waxa aad iimeyl u dirtaa cinwaankaan globalclinicturku@gmail.com.
Faahfaahinta dheeraadka ah waxaad ka heleysaa boggan internetka ee cinwaankiisu yahay: www.globalclinic.fi (Booqo websaydka dibadda. Xiriirku wuxuu ku furtaa tab cusub.)
Arrimaha bulshada iyo xaaladaha degdegga ah waxaa ay bixiyaan gargaar degdeg ah ama gargaar lagammamaarmaan ah, marka ay dhacaan xaaladaha degdegga ah. Waxaa ay caawiyaan dadka da’ walba ah muddada afar iyo labaatanka saac ee maalinkii. Heeganku waxaa uu daryeelaa tusaale ahaan xaaladaha degdegga ah ee badbaadada carruurta, waxaa uu qabanqaabiyaa taageerada la xiriirta saamaynta bulsho iyo midda la xiriirta caafimaadka maskaxda ama xaaladaha dhimirka (psykososiaalinen tuki), marka ay dhacaan shilal ama xaaladaha
degdegga ah, waxaana ay mas’uul ka yihiin adeegyada arrimaha bulshada ee xaaladaha degdegga ah xilliyada ay xafiisyadu xiran yihiin.
Tusaalooyinka ku saabsan xaaladaha degdegga ah:
- Welwel degdeg ah oo ku saabsan ilmaha ama xaaladda qoyska, xaaladaha nololeed ama ammaanka
- Welwel degdeg ah oo ku saabsan sida qofka weyn ama waayeelka ah u maareyn karo nolosha guriga
- Xaalad xoogmuquunin ama rabshad ah oo qoyska dhexdiisa ka jirta (perheväkivalta)
- Baahi degdeg ah oo loo qabo gargaar nafsaani oo degdeg ah marka ay dhacaan musiibooyin, (tusaale: shil, geeri lama filaan ah oo ku timaadda qof qaaraabada ah, xaalad xoogmuquunin ah, dhaawac halis ah, cudur halis ah, dab)
Lambarka telefoonka ee arrimaha bulshada iyo xaaladaha degdegga ah waa:
+358 2 262 6003
Lambarku wuxuu furan yahay maalin walba, afar iyo labaatanka saac
Haddii aad u baahato hoy degdeg ah ama meel lagu hoydo marka ay jirto xaalad degdeg ah, waxaad wacdaa lambarka telefoonka ee arrimaha bulshada iyo xaaladaha degdegga ah ee Varsinais-Suomi Koonfurta galbeeed ee Finland 02 262 6003 (wuxuu furan yahay afar iyo labaatanka saac ee maalin walba).
Adeegyada kale ee talosiinta iyo taageerada
Ururka Turun Valkonauha ry wuxuu magaalada Turku ku leeyahay xarun maalmeed lagu magacaabo Kaikkien Naisten Talo (Guriga haweenka oo dhan). Xaruntaan waxaa lagu taageeraa dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka (paperittomat), dadka magangelyoddoonka ah iyo dadka Finland ku soo galay oo haysta sharciyada kale ee dagganaanshaha dalka. Adeegyada Turun Valkonauha ry waa kuwo si fudud oo hoose lagu heli karo, waana kuwo lacag la’aan ah oo u furan dhammaan dadka u baahan adeegyadaas.
Xarun maalmeedkan waxaa aad ka heli kartaa:
- Caawimaad iyo talooyin shakhsi ahaaneed oo ku saabsan fahamka xaaladdaada guud ahaan sida (sharciyada degganaanshaha dalka / adeegyada)
- Caawimaad ku saabsan buuxinta codsiyada iyo foomamka
- Caawimaad ku saabsan dano ka dhammaysiga kulammada hay’adaha dowladda
- Kooxo waxqabad oo loogu talaggalay haweenka iyo carruurta
Waxaad sidoo kale kala soo xiriiri kartaa dhanka WhatsApp -ka:
Minna Saunders, telefoonka: +358 40 049 8856
Azra Heldic, telefoonka: +358 40 830 3707
www.turunvalkonauha.fi (Booqo websaydka dibadda. Xiriirku wuxuu ku furtaa tab cusub.)
Facebook: kaikkiennaistentalo (Booqo websaydka dibadda. Xiriirku wuxuu ku furtaa tab cusub.)
Instagram: kaikkien_naisten_talo (Booqo websaydka dibadda. Xiriirku wuxuu ku furtaa tab cusub.)
Talaado iyo arbaco kasta, saacadda 10:00–12:00
Cinwaanka: Hämeenkatu 20, 20500 Turku
Adeegyada Diakoniga waxaa loogu talaggalay dhammaan dadka, iyadoo aan loo eegeynin diintiisa, jinsiyaddiisa, luqaddiisa iyo xaaladdiisa sharciga degganaanshaha dalka iyo arrimo kale oo la mid ah. Caawimaadda Diakoni-ga waxaa ay noqon kartaa mid ah caawimaad wadahadal, talosiin iyo hagitaan, caawimaad raashin iyo dhar ah, caawimaad dhaqaale, ama kooxo taageero oo khibrad wadaag ah.
Waxaad la xiriirtaa: Minna Iljanka, minna.iljanka@evl.fi, telefoonka: +358 40 341 7291,
waxaa la caawiyaa dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka iyo dadka kale ee ajaanibta ah ee ku sugan xaaladda aadka u daran (magangelyoddoonayaasha, ardayda ajnabiga ah & qoysaskooda, dadka dhibbanaha ah ee soo maray ka ganacsiga dadka iyo dadka dhibbanayaasha ah ee sida khasabka ah loogu soo shaqaystay).
Talosiinta waxaa loogu talaggalay dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka iyo dadka la shaqeeya ama la kulma iyaga. Talosiinta waxaad ka heli kartaa taageero iyo tilmaanbixinno ku saabsan sida loo raadsado adeegyada daryeelka caafimaadka iyo meelaha daryeelka laga helo. Wac ama fariin noo soo dir (SMS ama WhatsApp, sidoo kale fariin cod ah noo soo dir) isniin illaa khamiis saacadda 9–15, lambarkan: 044 744 9932. Waxaad sidoo kale iimeyl noogu soo diri kartaa: health.advice@lsv.fi.
La soco boggayaga talosiinta ee Facebook (Health Advice for Undocumented Migrants (Booqo websaydka dibadda. Xiriirku wuxuu ku furtaa tab cusub.)) Halkaas waxaan ku qornaa macluumaadkii ugu dambeeeyay ee ku saabsan daryeelka caafimaadka ee dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka, iyo adeegyada ay bixiyaan ururrada iyo hay’adaha aan dawliga ahayn. Waxaad sidoo kale farriin noogu soo diri kartaa dhanka Messenger-ka. Waxaan fariimaha uga jawaabnaa sida ugu dhakhsaha badan.
Waxaad talosiin sharci oo bilaash ah ku heli kartaa telefoonka, maalmaha isniinta saacadaha 14:00 – 16:00. Waxaad wici kartaa lambarka telefoonkan: 045 237 7104. Waxaad su’aalahaaga ku soo diri kartaa iimeylka: paperittomat@pakolaisneuvonta.fi.