U bood waxa ku jira

Adeegyo talo bixin oo loogu talaggalay dadka aan haysan sharci degganaanshaha dalka

Ururka LSV waxaa uu bixiyaa adeeg talo bixin ah oo loogu talaggalay dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka iyo dadka la kulma ama caawiya iyaga. Adeeggaan talo bixinta waxaa lagala xiriiri karaa arrimaha ku saabsan caafimaadka iyo sidii qofku u heli lahaa adeegyada bulshada iyo caafimaadka. Telefoonnada iyo farriimaha waxaa ka jawaabaaya khubaro ka tirsan mashruucan, kuwaas oo labaduba ah kalkaaliyayaal caafimaad.

• Talefoonka talo bixinta waxaa la helaa: isniin–khamiis saacadaha 9:00–15:00, 044 744 9932 (sidoo kale waxaa uu leeyahay oo aad naga soo wici kartaa WhatsApp-ka)

• Bogga talo bixinta ee Facebook-ga: Health Advice for Undocumented Migrants (Booqo websaydka dibadda. Xiriirku wuxuu ku furtaa tab cusub.)

• Iimeylka talo bixinta: health.advice@lsv.fi

Waxaan ku hadalnaa luqadaha af-finnish iyo af-ingiriisi. Farriimaha waxaan sidoo kale uga soo jawaabi karnaa luqado kale.

Fadlan ha noo soo dirin xogtaada gaarka ah (tusaale ahaan lambarka aqoonsiga ee kummeelgaarka ah). Waxaan isku dayaynnaa in aan si degdeg ah uga jawaabno fariimaha na soo gaaray. Arrimaha degdegga ah waxaad wacdaa lambarka caawimaadda ee heeganka 116117. Haddii ay jirto xaalad emerjensi ama degdeg ah, wac lambarka emerjensiga ama xaaladaha degdegga ah ee 112.

Adeeggan talo bixinta waa qayb ka mid ah mashruuca horumarinta caafimaadka ee loogu talaggalay dadka aan lahayn sharciga degganaanshaha dalka, waxaana maalgelinaysa hay’adda STEA.