Adeegyada bulshada iyo daryeelka caafimaadka ee dadka aan sharciga haysan ee Koonfur-galbeed Finland
Hagahan waxaa lagu sooo uruuriyey adeegyada loogu talaggalay dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka ee gobolka Koonfur galbeedka ee dalka Finland (Varsinais-Suomi). Waxaa halkan aad ka heleysaa macluumaad ku saabsan, tusaale ahaan caafimaadka, shaqada arrimaha bulshada, xarumaha maalintii la joogo, iyo talosiinta la xiriirta arrimaha sharciga iyo xuquuqda.
Baro xuquuqahaaga
Finland, daryeelka caafimaadku wuxuu ku salaysan yahay nidaam ah adeegyada guud ee dadka loogu talaggalay. Waxaad daryeelka caafimaadka u raadsan kartaa xarun kasta oo caafimaad, ama xarun kasta oo ka mid ah kuwa degaannada nololwanaagga ee ku yaalla degmada aad deggan tahay.
Daryeelka caafimaadka ee aasaasiga ah waxaa lagu daweeyaa cudurrada guud, halka daryeelka caafimaadka ee takhasuska ah (erikoissairaanhoito) lagu daweeyo cudurrada ama dhaawacyada u baahan takhasuska gaarka ah.
Waxa aad xaq u leedahay daryeelka caafimaadka ee lagammamaarmaanka ah iyo taageerada dhaqaalaha nololmaalmeedka (toimeentulotuki).
Daryeelka degdegga ah waxaa ka mid ah arrimaha heeganka (päivysytys), gargaarka degdegga ah iyo daryeelka xooggan ama qaybta daryeelka ee la dhigo qofka sida aadka ah u liita (tehohoito). In daryeel lagammamaarmaan ah loo baahan yahay iyo inkale waxaa mar walba qiimayn ku samaynaaya qof ka mid ah xirfadlayaasha arrimaha caafimaadka, laakiin ugu yaraan arrimahaas waxaa ka mid ah la socodka iyo daaweynta cudurrada muddada dheer jira, cusboonaysiinta qaar ka mid ah daawooyinka joogtada ah, tallaallada, baaritaannada sheybaarka iyo ballamada koontaroolka ama la socodka xaaladda ee ka dambeeya daryeelka heeganka. Waxaa intaas dheer haweenka uurka leh
waxaa ay xaq u leeyihiin daryeelka iyo la socodka uurka ee laga sameeyo rugta
daryeelka caafimaadka hooyada uurka leh (äitiysneuvola). Carruurtuna waxaa ay xaq u leeyihiin dhammaan adeegyada caafimaad ee ay helaan dadka ku nool isla deegaankaas nololwanaagga.
Shaqaalaha daryeelka caafimaadka waxaa saaran waajibka ah xifdinta sirta dadka. Dhakhtarka, kalkaalisada ama qof kale oo xirfadle caafimaad ah uma sheegi karo hay’adaha dowladda wax ku saabsan sababaha aad adigu halkaas u joogtay.
Bukaanku waa in uu bixiyo kharashka macmiilka (asiakasmaksu) marka uu u tago kalkaalisada ama dhakhtarka, adeegyada rugta daryeelka caafimaadka dhallaanka iyo hooyada, daryeelka ilkaha iyo tagitaanka qaybta heeganka. Haddii aad tahay qof aan haysan wax dhaqaale ah u sheeg xirfadlayaasha caafimaadka, si aan laguugu soo dirin wax biil ama kharash ah.
Uma baahnid in aad haysato kaarka Kelada (Kela-kortti). Haddii aadan lahayn taariikhda dhalashada iyo lambarka diiwaanka (henkilötunnus), xusuuso in aad ka codsato xirfadlaha caafimaadka lambarka aqoonsiga kummeelgaarka ah, kuna qor
meel aad ka heli karto, maxaa yeelay hadhow ayaad u baahan doontaa marka aad doonayso adeegyada caafimaadka. Waxaa yeelan kartaa lambarro kummeelgaar ah oo dhowr ah, sababtoo ah nidaam kasta oo caafimaad waa in uu kuu sameeyaa lambar u gaar ah. Sidoo kale weyddii in laguu qoro warqadda daawada iyo tan hagista bukaanka. Weliba waxaad weydiisataa in ay kuu siyaan qaab warqad ahaan ah oo la soo daabici karo.
Raadso daryeelka caafimaadka wakhti hore — waa xuquuq aad leedahay!
Adeegyada caafimaadka iyo arrimaha bulshada
Lambarka gurmadka degdegga ah
Haddii ay dhacdo xaalad degdeg ama emerjensi ah, waxaad wacdaa lambarka 112. Wicitaanka waa mid bilaash ama lacag la’aan ah. Waxaana lambarkaan laga jawaabaa 24-ka saac maalintii ee sanadka oo dhan.
Haddii aad wacdo lambarka gurmadka degdegga ah, samee waxyaabaha soo socda:
- U sheeg waxa dhacay iyo meesha aad joogto.
- Ka jawaab su’aalaha oo raac tilmaanbixinta ama hagista lagu siinaayo.
- Sug inta uu gurmadku ka imaanaayo.
- Ha dhigin telefoonka illaa laguu fasaxo in aad dhigi karto.
Heeganka
Maalmaha shaqada ee isniin-jimce, saacadda 8:00-16:00, waxa aad tagi kartaa qaybta heeganka ee xarun kasta oo caafimaad, adigoo aan ballan hore ugu lahayn. Haddii aad si degdeg ah u xanuunsato fiidkii, habeenkii, maalmaha fasaxa ama wiikendhiga, waxaad tagtaa qaybta heeganka ee isbitaalka. Xaaladaha degdegga ah waxaad caawimaadda
ku heleysaa, iyadoo aanay ku xirnayn meesha aad ku nooshahay ama deggan tahay. Umana baahnid in aad ballan hore u sii qabsatid. Inta aadan tagin, waxaa aad
marka hore wacdaa lambarka telefoonka 116117 (waana adeeg lacag la’aan ah).
Qolalka gurmadka degdegga ah ee isbitaalka
Xaruumaha guud ee heeganka:
Turku
Tyks isbitaalka-T
Savitehtaankatu 1, 20540 Turku
Waxaa uu furan yahay maalin walba, 24-ka saac
Salo
Tyks Isbitaalka Salo
Sairaalantie 9, 24130 Salo
Waxaa uu furan yahay isniin-jimco, saacadda 8:00-22:00
Loimaa
Tyks Isbitaalka Loimaa
Seppälänkatu 15, 32200 Loimaa
Waxaa uu furan yahay isniin-jimco, saacadda 10:00-20:00
Uusikaupunki
Tyks Isbitaalka Vakka-Suomi
Terveystie 2, 23500 Uusikaupunki
Waxaa uu furan yahay isniin-jimco, saacadda 10:00-20:00
Adeegyada kale ee gurmadka degdegga ah:
Heeganka carruurta iyo dhallinyarada
Turku, Tyks Isbitaalka Majakka (heeganka carruurta)
Savitehtaankatu 5, 20540 Turku (Albaabka weyn ee laga galo 22, dabaqa 2-aad. Qaybta H, wiishka A)
Waxaa uu furan yahay maalin walba, 24-ka saac
Heeganka carrurta iyo dhallinyarada waxaa afar iyo labaatanka saac lagu daryeelaa carruurta iyo dhallinyarada ay da’doodu ka yar tahay 16-ka sano ee u baahan daryeelka heeganka.
Telefoonka qiimaynta baahida daryeel ee qofka: +3582 313 1420
Heeganka uurka
Heeganka uurka iyo dhalmada waxaa hooyooyinka u imaanaya in ay dhalaan ka sokow lagu daryeelaa, Haweenka uurkoodu uu gaaray xilliga 20+0 toddobaad ee qaba dhibaatooyinka degdegga ah ee xilliga uurka, iyo hooyooyinka dhalay illaa afar toddobaad dhalmada kaddib. Haweenka dhalaaya loogama baahna in ay horey u soo
sheegaan imaanshahooda. Heeganka uurka waxa aad kala xiriiri kartaa lamabarka telefoonka: +358 2 313 1000
Heeganka daryeelka caafimaadka ee ilkaha (daryeelka degdegga ah ee wakhtiyada shaqada)
Qaabilaadda heeganka ee wakhtiyada shaqada: isniin-khamiis, saacadda 8:00-16:00 iyo jimcaha, saacadda 8:00-15:30
Qaabilaadda heeganka waxaa loogu talaggalay dadka u baahan daryeelka degdegga ah. Baahida daryeel ee degdegga ah waxaa lagu qiimaynayaa dhanka telefoonka, markaa kaddib ayaa qofkii u baahan daryeel degdeg ah waxaa loo qabanayaa ballan.
Tusalaayalaaka ku saabsan baahida daryeelka degdegga ah:
- Xanuun aad u daran oo ka jira iligga ama qaybta afka
- Barar ama caabuq ka jira meelo gaar ah
- Dhibaatooyinka ka dhasha daryeelka la sameeyay kaddib, sida xanuun, nabarkii ama dhaawacii oo furma ama dhiigbax aan istaagayn
- Shil ku dhaca agagaarka wajiga ama daanka, tusaale ahaan: ilig joogto ah oo shil awgiis ku dhacay, aad u dillaacay ama si xoog leh u liiqliiqanaya
- Jabniin soo gaara iligga hore oo muuqaal xumo keena
- Ilig si weyn u jaba oo astaamo xanuun keena, ama marka daaweynta xididka ay wali socoto
- Dhibaatooyinka kalagoysyada daanka iyo murqaha caawiya wax qaniinista, oo ay weheliso xanuun daran ama kabuubyo
- Qalabka ilkaha lagu toosiyo, buundada ama taajka oo qayb ahaan soo go’ay ama khatar ugu jira inuu soo go’o, kaasoo afka xoqaaya
- Isbeddello xanuun leh oo ku dhaca xuubka gudaha afka ama boogo ama nabarro muddo dheer soo jiray
- Isbeddel degdeg ah oo ku yimaada dhaqdhaqaaqa ilkaha
Halka aad kala xiriiri karto xarunta kuugu dhow, waxaad ka eegtaa boggaan internetka: https://www.varha.fi/fi/palveluhakemisto/suun-terveydenhuollon-paivystys-kiirehoito-virka-aikana
Xarumaha caafimaadka iyo rugaha daryeelka caafimaadka dhallaanka iyo hooyada
Dhammaan xarumaha caafimaadka ee Turku iyo adeegyada caafimaadka ee dadka waddanka u soo guuray ee ajaanibta ah (MMTP), ayaa daryeela dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka ee u baahan daryeel aan degdeg ahayn, iyo haddii sidoo kale loo baahdo daryeelka degdeg ah.
Daryeelka degdegga ah waxaa lagu qaban karaa xarunta caafimaadka ee aad daryeelka u raadsato. Haddii aadan lahayn taariikhda dhalashada iyo lambarka diiwaanka (henkilötunnus), waxaa kuu fudud in aad si toos ah u tagto goobta.
Haddii kale, waxaad la soo xiriiri kartaa adeegyada caafimaadka ee dadka waddanka u soo guuray ee ajaanibta ah (MMTP) adigoo kula soo xiriiraaya dhanka
telefoonka, haddii aad taqaanno luqad kugu filan (af finish, af iswiidhish, af ingiriis) waxaad wici kartaa +358 40 486 3661 (isniin–khamiis 8:15–15:00, Jimce 8:15–14:00).
Dhammaan xarumaha caafimaadka ee gobolka Koonfur-galbeed (VarsinaisSuomi) waxa aad ka heli kartaa bogga internetka:
https://www.varha.fi/fi/toimipisteiden-yhteystiedot/varhan-terveysasemat
Haweenka uurka leh waxaa ay xaq u leeyihiin adeegyada rugta daryeelka caafimaadka iyo dhallaanka (äitiysneuvola), sidoo kale carruurta ka yar da’da iskuulka waxaa ay xaq u leeyihiin adeegyada rugta daryeelka carruurta (lastenneuvola). Dhammaan adeegyada rugaha daryeelka caafimaadka dhallaanka ee gobolka Varsinais-Suomi waxaad ka heli kartaa bogga internetka (haweenka uurka leh, carruurta iyo qoysaska): https://www.varha.fi/fi/palvelut/lasten-nuorten-ja-perheiden-palvelut/neuvolapalvelut
Adeegyada kale ee bulshada iyo caafimaadka
Cudurrada galmada, daawaynta iyo baaritaanka
Haddii aad ka shakisan tahay in uu kugu dhaceen ama aad qaadday cudurrada galmada lagu kala qaado, waxaa aad wacdaa xarunta caafimaadka. Haddii aad u baahan tahay talo ku saabsan cudurrada galmada ama sida looga hortago, waxa aad wacdaa xarunta caafimaadka ama lambarka talosiinta ee isbitaalyaraha cudurrada galmada (seksitautien poliklinikka).
Isbitaalyaraha cudurrada galmada:
Talosiinta dhanka telefoonka waxaa ay furan tahay isniin–khamiis, saacadda 13:00–15:00, iyo Jimce 13:00–14:00
Waxa aad wacdaa lambarkan: +358 2 313 2635
Isbitaalyaraha Global (Global Clinic)
Isbitaalyaraha Global waxaa uu taageero badan oo dhinacyo kala duwan leh iyo talooyin caafimaad siiyaa dadka aan lahayn sharciga degganaanshaha dalka. Sidoo kale waxaa ay kaa caawiyaan sidii qofku uu ku heli lahaa daryeel caafimaad.
Global Clinic waxaa ka shaqeeya xirfadlayaal caafimaad oo si ikhtiyaari ah u shaqaynaaya. Waxaad helaysaa caawimaad lacag la’aan ah oo aad ku kalasoonaan karto (sirtaada laguu qariunaayo), khasabna ma aha in aad sheegto taariikhda dhalashada iyo
lambarka diiwaanka (henkilötunnus). Haddii aad doonayso in aad la xiriirto isbitaalyaraha Global Clinic, wac lambarka+35840 618 4554 ama waxa aad iimeyl u dirtaa cinwaankaan globalclinicturku@gmail.com.
Faahfaahiunta dheeraadka ah waxa aad ka heleysaa boggan internetka ee cinwaankiisu yahay: www.globalclinic.fi
Arrimaha bulshada iyo xaaladaha degdegga ah
Arrimaha bulshada iyo xaaladaha degdegga ah waxaa ay bixiyaan gargaar degdeg ah ama gargaar lama huraan ah marka ay dhacaan xaaladaha degdegga ah. Waxaa ay caawiyaan dadka da’ walba ah muddada afar iyo labaatanka saac ee maalnkii.
Heeganku waxaa uu daryeelaa tusaale ahaan xaaladaha degdegga ah ee badbaadada carruurta, waxaa uu qabanqaabiyaa taageerada la xiriirta saamaynta bulsho iyo midda dhimir ahaaneed (psykososiaalinen tuki) marka ay dhacaan shilal ama xaaladaha
degdegga ah, waxaana ay mas’uul ka yihiin adeegyada arrimaha bulshada ee xaaladaha degdegga ah xilliyada ay xafiisyadu xiran yihiin.
Tusaalooyinka ku saabsan xaaladaha degdegga ah:
- Welwel degdeg ah oo ku saabsan ilmaha ama xaaladda qoyska, xaaladaha nololeed ama ammaanka
- Welwel degdeg ah oo ku saabsan sida qofka weyn ama waayeelka ah u maareyn karo nolosha guriga
- Xaalad xoogmuquunin ama rabshad ah oo qoyska dhexdiisa ka jirta (perheväkivalta)
- Baahi degdeg ah oo loo qabo gargaar nafsaani oo degdeg ah marka ay dhacaan musiibooyin (tusaale: shil, geer lama filaan ah oo qof qaraabadisa ah, xaalad xoogmuquunin ah, dhaawac halis ah, cudur halis ah, dab)
Lambarka telefoonka ee arrimaha bulshada iyo xaaladaha degdegga ah waa:
+358 2 262 6003
Lambarku wuxuu furan yahay maalin walba, 24-ka saac
Degaanka kummeelgaar ah ee degdegga ah
Haddii aad u baahato hoy degdeg ah ama meel lagu hoydo marka ay jirto xaalad degdeg ah, waxaad wacdaa lambarka telefoonka ee arrimaha bulshada iyo xaaladaha degdegga ah ee Koonfurta galbeeed ee Finland (Varsinais-Suomi) +358 2 262 6003 (wuxuu furan yahay 24-ka saac ee maalin walba).
Adeegyada kale ee la-talinta iyo taageerada
Turun Valkonauha – Guriga haweenka oo dhan
Ururka Turun Valkonauha ry wuxuu magaalada Turku ku leeyahay xarun maalmeed lagu magacaabo Kaikkien Naisten Talo (Guriga Haweenka oo Dhan). Xaruntaan waxaa lagu taageeraa dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka (paperittomat), qaxootiga
magangelyoddoonka ah iyo dadka Finland ku soo galay oo haysta sharciyada kale ee dagganaanshaha dalka. Adeegyada Turun Valkonauha ry waa kuwo si fudud oo hoose lagu heli karo, waana kuwo lacag la’aan ah oo u furan dhammaan dadka u baahan adeegyadaas.
Xarun maalmeedkan waxaa aad ka heli kartaa:
- Caawimaad iyo talo gaar ah oo ku saabsan guud ahaan xaaladdaada (sida sharciyada degganaanshaha dalka/adeegyada)
- Caawimaad ku saabsan buuxinta codsiyada iyo foomamka
- Caawimaad ku saabsan dano ka dhammaysiga kulammada hay’adaha dowladda
- Kooxo waxqabad oo loogu talagalay haweenka iyo carruurta
Waxaad sidoo kale kala soo xiriiri kartaa dhanka WhatsApp -ka:
Minna Saunders, telefoonka: +358 40 049 8856
Azra Heldic, telefoonka: +358 40 830 3707
www.turunvalkonauha.fi
Facebook: kaikkiennaistentalo
Instagram: kaikkien_naisten_talo
Quraac wadaag ah ee ururka Pelastusarmeija (Ciidanka badbaadada)
Talaado iyo arbaco kasta, saacadda 10:00–12:00
Cinwaanka: Hämeenkatu 20, 20500 Turku
Caawimaadda cuntada (Ruoka-apu)
- Meelaha bixiya raashinka lacag la’aanta ah Operaatio Ruokakassi (Hawgalka bacda raashinka): https://operaatioruokakassi.fi/events/kuukausi/
- Ruoka-apu (liiska goobaha raashinka bixiya): https://ruoka-apu.fi/en/
Etappi hagitaan bulsho iyo hoy ku meel gaar ah
Cinwaanka: Luolavuorentie 2, rak. 30, 20700 Turku
Macluumaad dheeraad ah: https://www.varha.fi/fi/asiointikanavat/etappi-paivakeskus-ja-tilapaismajoitus-turku
Kirkon Varikko – (Xarunta kaniisadda)
- Kaarinan Varikko: Qado lacag la’aan ah isniin iyo khamiis, saacadda 11:00–12:30
- Varissuon Varikko: Qado lacag la’aan ah talaado iyo jimce, saacadda 11:30–13:00
- Keskustan Varikko: Qado lacag la’aan ah isniin iyo jimce, saacadda 12:00–14:00
Halkaan ka eeg adeegyada kale iyo barnaamijka: https://www.turunseurakunnat.fi/kirkonvarikko
Adeegyada dadka aan haysan sharciga degganaanshaha dalka ee xarunta magaalada (Keskustan Varikko)
Adeegyada Diakoniga waxaa loogu talaggalay dhammaan dadka, iyadoo aan loo eegeynin dhinacyada diinta, jinsiyadda, luqadda, xaaladda sharciga degganaanshaha dalka. Caawimaadda Diakoni-ga waxaa ay noqon kartaa mid ah caawimaad wadahadal, talosiin iyo hagitaan, caawimaad raashin iyo dhar ah, caawimaad dhaqaale, ama kooxo taageero oo khibrad wadaag ah.
Waxa aad la xiriirtaa: Minna Iljanka,
minna.iljanka@evl.fi, telefoonka: +358 40 341 7291,
waxaa la caawiyaa dadka aan lahayn sharcida degganaanshaha dalka iyo dadka kale ee ajaanibta ah ee ku sugan xaaladda aadka u daran (magangelyoddoonayaasha, ardayda ajnabiga ah & qoysaskooda, dadka dhibbanaha ee soo maray ka ganacsiga dadka iyo ama sida khasabka ah loogu soo shaqaystay).
Lääkärin sosiaalinen vastuu ry – PapeTe, talo adeeg
La-talintu waxaa loogu talagalay dadka aan sharciyeysnayn iyo dadka la shaqeeya ama la kulma iyaga. La-talinta waxaad ka heli kartaa taageero iyo tilmaamo ku saabsan sida loo raadsado adeegyada daryeelka caafimaadka iyo meelaha daryeelka laga helo. Wac ama fariin noo soo dir (SMS ama WhatsApp, sidoo kale fariin cod ah) Isniin ilaa Khamiis saacadda 9–15 lambarkan: 044 744 9932. Waxaad sidoo kale email noogu soo diri kartaa: health.advice@lsv.fi
La soco boggayaga la-talinta ee Facebook (Health Advice for Undocumented Migrants)! Halkaas waxaan ku daabacnaa macluumaad cusub oo ku saabsan daryeelka caafimaadka ee dadka aan sharciyeysnayn iyo adeegyada ururrada bulshada. Waxaad sidoo kale fariin noogu soo diri kartaa Messenger. Waxaan fariimaha uga jawaabnaa sida ugu dhakhsaha badan.
Pakolaisneuvonta (La talinta qaxootiga), talo sharci
La talinta xuquuqda ee telefoonka (isniin kasta saacadaha (14-16): 045 237 7104
Waxaad ku soo diri kartaa su’aalaha sidoo kale emayl ahaan: paperittomat@pakolaisneuvonta.fi